DAAWO: Wiil Sucuudiyaan madow ah oo CUNSURIYAD wayn lagula kacay markii uu hibo cusub lasoo baxay (Arrin ay sameeyeen reerkii uu ka tirsanaa)

0

(Riyaad) 31 Luulyo 2022 – Wiil Sucuudiyaan ah oo Madow oo lagu magacaabo Feysal Al-Cuteybi ayaa baraha bulshada ka soo caan baxay isagoo ku soo galay fannaannimo, waxaa dhacday in wiilkii ay Sucuudiyaankii caay ula dhaqaaqeen iyagoo duraya madowgiisa.

Cod ahaan aad buu u cod macaan yahay waana wiil yar, laakiin dadkii ayuu waayay meeluu ka galo illaa markii dambe ay qabiilkiisa Reer Al-Cuteybi ay shaki geliyeen iyagoo leh “Reer Al-Cuteybi maahan”.

Markay intaas mareeyso waxgaradka reer Al-Cuteybi ayaa arrintaa u kacay wayna casuumeen inankoodii sida muuqaalka ka muuqata iyagoo yiri waa inankeennii waana ku faaneynaa, cid walboo maagtana innaga oo dhan ayay na maageen waxayna haddiyad ahaan u siiyeen baabuur aad u qurux badan oo Brand New ah 2023 iyo lacag.

W; D: Yaxya Yuusuf

Hadalsame Media