MW Xasan Sheekh oo markii 2-aad u baqoolay dal uu horay u booqday + Ujeedka

0

(Muqdisho) 10 Nof 2022 – Madaxwaynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ereteriya, sida kasoo baxday Villa Somalia.

“Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxwaynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.” Ayaa la daba dhigay.

MW Somalia ayaa tan iyo markii la doortay wuxuu galay safarro badan oo is xigey isagoo haatan ka yimid dalka Masar.

Hadalsame Media