Diyaarad wadata magaca magaalo Somalia ku taalla oo samaysay duullimaadkii 1-aad & Dal Muslim ah oo qayb ka ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 10 Nof 2022 – Sambalkii labaad ee diyaaradda dagaalka ee ay dhisto Kuuriyada Koonfureed, KF-21 Boramae, ayaa samaysay duullis tijaabo ah maanta, sida ay Wakaaladda Yonhap sheegtay Khamiistan, iyadoo soo xiganaysa ciidamada dalkaasi.

Sida laga soo xigtey Maamulka Barnaamijka Soo iibsiga Hubka ugu qaybsan ciidanka, diyaaradda ayaa soo duushay 9:49 subaxnimo xilliga maxalliga ah waxayna soo degtey iyada oo aan wax cillad ah la kulmin 10:24 subaxnimo.

Dayuuraddan oo leh awoodo iyo muuqaallo kala duwan waa diyaaradii ugu horreeysey ee dalka gudihiisa lagu sameeyo ee guuxeeda ka dheeraysa ayaa duulimaad ku jirtey muddo 35 daqiiqo ah.

Duulimaadkii ugu horreeyey ee lagu guulaysto ee sambalkii 1-aad ayaa dhacay Luulyo 19 taasoo Kuuriyada Koonfureed ku dartay liiska 8 dal oo qura oo awood u leh inay dhistaan dayuuradaha noocan ah ee guuxooda ka dheereeya.

Waxaa hadda qorshaysan tijaabooyin kale oo dheeraad ah kuwaasoo wadar ahaan 6 gaaraya lana filayo in lasii wado ilas horraanta sanadka soo socda ee 2023.

Waxaa mashruucan maalgelintiisa qayb ka ah dalka Muslimka ah ee Indonesia oo marka la dhamaystiro diyaaradahan qaar lagu qalabayn doono ciidankooda cirka oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran Aasiyada fog.

Diyaaradahan ayaa naqshad ahaan lagu soo sooci karaa kuwa raadaarka ka dhuunta ee ugu casrisan Maraykanka ee F-22 Raptor iyo F-35.

Waxay wadataa magac u eg magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Hadalsame Media