Arrin wax wayn ka tari doonta haqab-beelka calafka xoolaha Somalia oo lagu guulaystey + Sawirro

0
default

(Hadalsame) 10 Nof 2022 – Somalia waa dal xoolo dhaqato ah oo ay ku dhaqan yihiin malaayiin madax oo xoolo nool oo kala nooca ah, balse ay wayni dhibaato ka haysato maarayntooda gaar ahaan dhanka calafka xoolaha.

Waxaa dhibaatooyinka marka laga soo tago midda dabiiciga ah ee roob yarida iyo dalka oo inta badan lama degaan xigeen ah soo raacda maamul xumo, colaado, qorshe midaysan la’aan iwm., oo wada ah xaalado dad samee ah oo la sixi karo haddii baraarug lala yimaado.

Calafka xooluhu waxa uu badbaado u yahay nolosha xoolaha xilliyada abaarta oo aanay heli karin cowskii iyo baadkii daabiici u baxa ahaa, iyadoo Soomaalida lagu tilmaamo xoolo raacato oo aysan ahayn xoolo dhaqato maadaama aysan ka helin faa’iidada laga heli karo maadaama aysan xoolihii iyo qofkii lahaaba ay isku ag dhimanayaan.

Cabdiraxmaan Sabriye oo ah fallaax bartay culuunta beeraha iyo daaqa ayaa sheegay inay sameeyeen beer lagu beero cows loogu tala galay in xoolaha la siiyo kaasoo ah mid si wayn ay Somalia haatan ugu baahan tahay.

”Waxaan ku guulaysanney tijaabada 6 hektar oo aan ku beernay calafka xoolaha, waxaan tijaabadan ku barannay nuuca abuur ee ugu fiican ee aan beeri karno,” ayuu warkiisa ku bilaabay Sabriye oo ku sugan duleedka Muqdisho.

”Halkii hektar waxaan kasoo saari karnaa 23,000kg oo calafka xoolaha ah 30-kii maalinba, waxaana cuni kara 150 Neef oo ari ah. Waa mid ka mid ah mashaariicda ugu waawayn ee beerista calafka xoolaha.” ayuu raaciyey.

default
default
default

Hadalsame Media