Japan oo diyaarinaysa gantaal dili kara gantaalaha guuxooda ka dheereeya & Goorta la filayo + Sawirro

0

(Tokyo) 10 Nof 2022 – Japan ayaa qorshaynaysa inay dib u habayn ku samayso qaar ka mid ah gantaalladeeda dhul-ka-cirka ah ee ay haatan haysato si ay uga hortagto gantaalaha guuxooda ka dheereeya, sida ay sheegtay Kyodo News.

Tillaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo lagu wanaajinayo “awoodda weerarrada rogaal-celiska ah” ee Tokyo tobanka sano ee soo socda.

Millateriga Japan ayaa waxa uu rajaynayaa in uu dhamaystiro casriyaynta gantaalkiisa Type-03 ee riddada dhexe iyagoo doonaya inay nooca cusub aad usoo saaraan marka la gaaro 2029-ka, sida laga soo xigtey wargayska, kaas oo soo xiganaya “ilo xog ogaal ah oo arrintan la socda”.

Dib-u-qaabayntan ayaa qayb ka ah dadaalka lagu hagaajinayo “difaaca cirka iyo gantaalaha” Japan, waxaana lagu soo warramayaa in lagu qeexi doono Istaraatiijiyadda Amniga Qaranka dalkaasi oo dib loo eegay taasoo lasoo bandhigi doono kahor dhamaadka sanadkan 2022-ka, isha ayaa intaa ku dartay.

Naqshadda iyo soo saarkaba waxaa leh shirkadda Mitsubishi, Type-03 SAM waxaa Ciidanka Is-difaaca Dhulka ee Japan (JFSDF) markii ugu horreeysey lagu wareejiyey 2003dii, waxaana uu hadda hadda tiiro ahaan gaari karaa qiyaastii 50km (31 mayl).

Balse, Japan ayaa doonaysa in nooca cusubi uu jaro masaafo aad uga badan midda haatan.

Hadalsame Media