DOORASHO-DHEXAADKA MAANTA: Afar arrimood oo ay Ilhaan u ordayso una ololayso

0

(Hadalsame) 08 Nof 2022 – Doorashada maanta ka dhaceysa Mareykanka waxay saameyn xooggan ku yeelaan doontaa jiheynta qaranka gaar ahaan saameynta siyaasiyiinta iyo awoodda xisbiga talada haya ee Aqalka Cad.

Ilhaan Cumar ayaa kamid ah musharraxiinta u tartameysa doorashada xilligga dhexe ee maanta ka dhaceysa Mareykanka, waxay la tartameysa haweeney iyadana madow ah o la yirahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Jamhuuriga.

Joe Biden ma tartamayo-laakiinse doorashada xilliga dhexe waxay go’aamineysaa cidda maamusha Aqalka Koongareeska gaar ahaa baarlmaanka iyo xafiisyada barasaabyada, doorashadan waxay codbixiyeyaasha siineysaa fursad dadban oo ay ku cabbiri karaan tageeradooda madaxweynaha iyo jiheynta dalka.

Iyadoo Mareykanka uu la daalaa dhacayo dhaqaale xumo iyo walaaca ka dhashay falal dambiyeedka iyo muhaajiriinta aan sharciga wadan, go’aanka kasoo baxa doorashada ayaa noqon karaa mid adag oo ka dhan ah madaxweynaha haatan talada haya.

Natiijada doorashadan waxay saameyn doontaaa ololaha doorashada madaxtinimada sanadka 2024-ka gaar ahaan fursadaha Trump ee ku aadan in mar kale uu xilka u tartamo.

Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa qodobada sharraxaya sababta ay doorashadan muhiim u tahay?

1. Xuquuqda ilmo iska soo rididda

Dib u qaabeynta aqalka koongareeska Mareykan waxay saameyneysaa nolosha caadiga ee dadka Amerikaanka, tusaale ahaan, xuquuqda ilmo iska soo xaaqidda.

Bishii June maxkamadda sare ayaa xukmisay inuusan jirin xaq dastuuri ah oo ilmo iska soo tuurid ah, iyadoo laashay xukunkii ahaa in go’aanka ilmo iska soo rididda uu la yaallo gobollada, labada xisbi waxay soo jeediyeen inay dhaqangelin doonaan shuruuc cusub waa haddii doorashada xilligga dhexe ay ku guuleystaan.

Dimuqraadiga wuxuu ballaan qaaday in uu ilaalin doono xuquuqda ilma iska soo riddida halka Jamhuuriga uu soo jeediyay in la mamnuuco ilmi iska soo rididda gaar ahaan haddii hooyada leedahay wixii ka dambeeyay 15 toddobaad oo uur ah.

Dibadbaxyadii ka dhashay ilmo iska soo rididda
Qoraalka sawirka,Dibadbaxyadii ka dhashay ilmo iska soo rididda

Cid kasta oo ku guuleysata maamulidda Aqalka Koongareeska iyo awoodda gobollada waxay saameyn ku yeelaan doonaan meel marinta xeerar kale sida ilma iska soo rididda.

Haddii xisbiga Jamhuuriga uu doorashadan ku adkaado waxaa lagu wadaa inay diiradda saaraan arrimo ay kamid yihiin socdaalka, xuquuqda diinta iyo wax ka qabashada dembiyada rabshadaha ah.

Halka dimuqraadiyiinta ay mudnaanta siin doonaa , arrimo ay kamid yihiin ilaalinta deegaanka, daryeelka caafimaadka, xuquuqda codbixinta iyo xakameynta qoryaha ama hubka.

2. Jamhuuriga oo kusoo jeesan karo dimuqraadiga si loo baaro

Maamulidda aqalka koongareeska waxay ka dhigan tahay in awood loo yeesho in la sameeyo guddi wax baaro.

Muddo labo sano ah, Dimuqraadiga waxay wadeen baaritaan la xiriira rabashadihii ka dhacay xarunta Capitol bishii January 2021-kii.

Waxa ay wareysteen boqolaal qof oo ay weydiyeen su’aalo hordhac ah oo ku saabsan wixii dhacay maalintaas, iyagoo isku dayaya inay ogaadaan waxa Trump uu ka ogaa rabshadihii ka dhacayxarunta Capitoliyo sida ay uga jawaabeen. Waxaa la filayaa in ay soo saaraan warbixin ka hor dhamaadka sanadka.

Jamhuuriga oo u muuqdo in uu wax ka baddalo arrintaas kuwaasoo haatan ku han weyn inay la waareegaan maamulidda koongareeska ayaa sheegay inay meesha ka saari doonaan guddigii loo xilsaaray inay baaraan rabshadihii ka dhacay Aqalka Cad isla markaana ay bilaabi doonaan inay baaraan oo ay dhageystaan xiriir ganacsi ee la sheegay in wiilka Biden, Hunter uu la leeyahay Shiinaha.

Waxay sidoo kale Jamhuuriga doonayaan inay eegaan siyaasadaha Biden ee u ku aadan dadka soo galootiga ah, tallaabadii uu Biden kaga soo saaray ciidamadiisa dalka Afghanistaan iyo asalka cudurka Karoona ee Shiinaha.

3. Mustaqbalka Joe Biden

Doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa afti la qabta labada sano ee ugu horreysa muddo xileedka madaxweynaha- waxaa inta badan ku guuleystaa xisbiga haya talada.

Waxaa jiray hooos u dhac ka dib qiimeyn lagu sameeyay Biden gaar ahaan howlihii uu soo qabtay muddo ka badan sanad, inkasta dimuqraadiga uu u muuqdo mid kasoo kabanaya sicir bararka ballaaran iyo walaaca ka dhashay dhaqaale xumida, waxay arrintani u horseeday inay ciriiri galaan iyagoo dagaal ugu jiro sidii ay guulo uga gaari lahaayeen labada aqal ee koongareeska.

Labadii sano ee ugu horeysay ee uu ahaa madaxweynaha, Mr Biden wuxuu dabada ka riixay shuruuc cusub oo ku saabsan isbedelka cimilada, xakamaynta hubka, maalgashiga kaabayaasha iyo caawinta carruurta saboolka ah.

Haddii mid kamid ah labada aqal ee koongareeska uu u wareego dhinaca Jamhuriga, waxay awood u yeelan doonaan inay joojiyaan hindise-sharciyeedyada uu horkcayay Dimuqraadiga oo ay doonayaan inay ansixiyaan Congress-ka.

Joe Biden
Qoraalka sawirka,Joe Biden

4. Trump ma tartami doonaa

Si ka duwan madaxweynayaashii dhawaan laga guuleystay, Donald Trump weli ma uusan ka bixin doorashada.

Trump wuxuu weli u muuqdaa in uu doonayo inuu kusoo laabta Aqalka Cad marka la gaaro sanadka 2024-ka, doorashadan xilligga dhexe waxay soo nooleyn kartaa rajadiisa ama in uu meesha ka baxo, inkasta uusan tartameyn, tiro kamid ah musharraxiintiisa caanka ah ayaa ka tartamayay guud ahaan Mareykanka.

Donald Trump oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay gobolka Ohio waxa uu ka sheegay in Jamhuuriga ay dib ula wareegi doonaan Aqalka Cad sanadka 2024-ka. Wuxuu sheegay in uu Talaadada shaacin doono go’aan weyn.

BBC

Hadalsame Media