(Kampala) 08 Nof 2022 – Dowladda Uganda ayaa markii ugu horreeysey ku guulayatey inay hawada sare u ganto dayax-gacmeed.
Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo “Luulkii Afrika” ama ‘PearlAfricaSat-1’, ayaa waxa dhisey saddex Injinneer oo u kala dhashay dalalka Uganda iyo Japan.
Xog laga soo xigtey Wasaaradda Cilmiga iyo Tignolajiyadda Uganda, PearlAfricaSat-1 waxaa loogu talagalay in lagu sameeyo cilmi-baaris iyo xog-ururin ku saabsan arrimo kala duwan.
Waxaa waxyaabaha uu sahmin doono ka mid ah; saadaasha cimilada, dhulka, biyaha, khariidadaha, macdanta, ka digista musiibooyinka, qorshaynta kaabayaasha iyo amniga xuduudaha IWM.
Hadalsame Media
Facebook Comments