Dayuurado dagaal oo sida hub culus & Agab ciidan oo ka degaya Puntland + Sawirro

0

(Hadalsame) 08 Nof 2022 – PUNTLAND: Imaaraatka Carabta ayaa xoojiyey 3-dii todobaad ee lasoo dhaafay joogitaankiisa magaalada Boosaaso.

Tan ayaa timid markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ogolaaday in saldhig ciidan oo buuxa ay ka dhistaan deegaanada ku laalaya xeebaha Badda Cas ee gobalada Barri, Gardafuu iyo buuraleyda gobalka Sanaag, iyagoo magaca u sida Israa’iil.

Degmada Caluula iyo gobalka Gardafuu ayuu yahay bartilmaameedkeeda Imaaraatka Carabta ee ay hadda doonayaan in ay helaan, iyagoo wakiil ka ah mid kamid ah dalalka kuyaala Barriga dhexe, Buuraleyda Sanaag ayaa qorshuhu yahay in joogitaankooda la xoojiyo, gaar ahaana kuwa xiga deegaanka Galgala.

In ka badan 30 duullimaad, oo ah kuwa xamuulka ah ee qaada gaadiidka dagaalka sida kuwa C-17 ayaa ka dagay, kuwaas oo keenay gaadiid dagaal, hub culus iyo agabyo millateri oo aysan Soomaalidu door kulaheyn, sidaas oo kale ciidan ajnabi ah “Calooshood u shaqeystayaal” ayaa tagey Boosaaso.

Waa howlgal wali qorshihiisu socdo, waxaana jiri doonaa maalmaha soo socda booqashooyin iyo is muujin aan dhameystirneyn.

Lama oga sida ay DF u aragto arrintan iyadoo nidaamka haatan jira lagu sheego kuwo u dhow Imaaraadka.

W; D: Faarax Cabdulqaadir Maxamed

Hadalsame Media