Nin milyaneer ah oo doonaya naag uu guursado & Shuruudaha uu wato + Sawirro

0

(Hadalsame) 07 Nof 2022 – Ku guulayste waqtiyaanasiib oo helay lacag dhan £8.7 milyan ginni ayaa kaddib markii uu iibsadey baabuur qaali iyo saacado cajiib ah, in waxa uu doonayaa hadda ay yihiin hal shay oo lacagtu aanay iibin karin – xaas.

Ninkan oo shaqaale wershadeed ahaa lana yiraahdo Kursat Yildirim ayaa mar qura helay adduun lacageed oo dhan €10 milyan oo Euro (£ 8.7m), isagoo ka tegey shaqadiisii ​​wershad birta ah oo ku taalla Dortmund, Jarmanka.

Kursat waxa uu galay kharash aad u badan kaddib markii ay natiijadu soo baxday Sebtembar 24-keedii, isaga oo iibsadey Ferrari 448 Pista iyo sidoo kale Porsche Turbo S Cabriolet oo jooga £ 218,000 oo gini.

Waxa kale oo uu ku firdhiyey lacago uu ku iibsadey saacado qaali ah isagoo sidoo kale iibsadey baar maxalli ah oo uu jecel yahay.

Laakiin hadda Kursat oo 41 jir ah – oo ay dhaleen muhaajiriin asal Turki ah oo dadaal badan – ayaa sheegay inuu doonayo wax aysan lacagtu iibsan karin – oo ah xaas jacayl dhab ah u qabta isagoo xusay inuu weli doob yahay.

Shuruuddiisu waa inay tahay qof la aamini karo oo diyaar u ah inay qoys la amaamuddo iyo inay tahay qof jecel safarrada, sida uu qoray warqaadka Bild.

Hadalsame Media