Cirbixiyeennada oo ka war helay in ifafaale dhulka dhan liqi kara uu ka dhow yahay sidii loo malaynayey

0

(Hadalsame) 07 Nof 2022 – Waxa loo yaqaan Godka Madow ee ugu dhow dhulkan aynku ku noolnahay, ayaa la sheegay inuu jiro qiyaastii 1,600 sanad-ilays, sida ay daahfureen cirbixiyeennadu.

Saynisyahannada ayaa Jimcihii sheegay in Godkan Madow uu 10 jeer ka wayn yahay qorraxdeenna. Waxaana uu saddex jeer ka dhowyahay wixii ay sheegayeen dhammaan diiwaannadiii horay loo hayey.

Waxa lagu aqoonsaday markii la arkay dhaqdhaqaaqa xiddig dhinac socda, kaas oo ku wareegaya Godka Madow isagoo jooga meel la mid ah inta uu dhulku ku wareego qorraxda.

Godka Madow ayaa markii hore la arkay iyadoo la adeegsanayo dayax gacmeedka Gaia ee Wakaaladda Hawada Yurub, ayuu yiri Kareem El-Badry oo ka tirsan Xarunta Harvard-Smithsonian ee cilmiga Astrophysics-ka.

El-Badry iyo kooxdiisu waxay arrintan kala socdeen xarunta fogaan-aragga ah ee International Gemini Observatory ee Hawaii si ay u xaqiijiyaan natiijooyinkan, kuwaas oo lagu daabacay Ogaysiisyada Billaha ah ee Royal Astronomical Society.

Cilmi-baarayaashu se ma oga oo weli uma cadda sida uu Godka Madowi uu ugu dhex samaysmay halka loo yaqaan Dhabbaha Caanaha.

WAA MAXAY GODKA MADOW? Sida ay qabaan culimada COSMOLOGY-gu waxaa jira ifafaale la yiraahdo BLACK HOLE oo sameysma marka uu qarxo XIDIG 25 jeer ka wayn cufka QORAXDA iyadoo tamarta qaraxaasi oo SUPERNOVA la yiraahdo ka dhasha uu sameeyn doono meermeerto xoog badan oo nuugaysa xidigaha iyo xitaa iftiinka iyo wax kasta oo jooga hawada sare (Space) islamarkaana dhalin doona fallaar ka sameeysan shucaaca GAMA RAYS oo baabi’in kara dunida oo dhan, sida ay qabaan culimada Cosmology iyo Astrophysics-ku..?!!!

Hadalsame Media