Mourinho oo koox kasta oo CL doonaysa kula taliyey inay wadato weeraryahan Afrikaan ah (Taariikh maangal ah oo uu keenay)

0

(Hadalsame) 07 Nof 2022 – Jose Mourinho ayaa sheegay in “Guushiisu ay mar walba ku salaysan tahay inuu haysto weeraryahan Afrikaan ah. Weeraryahan Afrikaan ah la’aantiina uu dareemayo inaanu guuleysan karin.

”Aaminsanaantayda weeraryahanada Afrikaanku waxa uu ka bilaabmay Benni McCarthy oo FC Porto oo uu dhaliyey in ka badan 20 gool oo horyaalka ah si uu aniga iyo FC Porto iigu caawiyo in aan ku guulaysto Horyaalka Portugal. Isla xilli-ciyaareedkaas waxa uu ii dhaliyey goolal aad muhiim ugu ah UEFA Champions League kuwaas oo iga caawiyey inaan ku guulaystey champions League-gii ugu horreeyey inaga oo tababare ah”. ayuu yiri Mourinho.

Wuxuu sheegay in Chelsea oo England ka dhisan markii uu tegey uu helay Didier Drogba, oo uu sheegay inuu ahaa hub Afrikaan ah oo ka caawiyey ku guulaysiga horyaalka Ingiriiska markii dambena sabab u noqday inay qaadaan CL, isagoo doonayay Benni McCarthy inuu kusoo biiro Chelsea si uu weerarka ugala ciyaaro Didier Drogba laakiin waqtigaas oo uu joogay Blackburn Rovers ay dalab kasta ka diideen.

Macallin Mou ayaa sheegay in “markii uu Chelsea ka aadey Inter Milan, uu doonayay inuu ku guulaysto Uefa Champions League, laakiinuu haystey kaliya laba ciyaaryahan oo Ghana ah oo khadka dhexe ah, taasna iguma filnayn.”

”Markaa waan fadhiistay waxaan aad ugu fikirey inaan mar kale helo weeraryahan Afrikaan ah, waxaan u tegey FC Barcelona, ​​waxayna si niyad ah iiga iibiyeen saxiixii ugu fiicnaa ee xirfadayda oo ahaa Samuel E’too, isla xilli-ciyaareedkaas Eto’o waxaan kula guulaystey Champions League.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii uu Inter Milan ka aadey Real Madrid uu Real Madrid ku haystey wax kasta laakiin sababta uu ugu guulaysan waayey Champions League ay ahayd inuusan haysan weeraryahan Afrikaan ah, waxaa uu sheegay inuu isku dayey Emmanuel Adebayour laakiin uu ahaa amaah oo qura.

Wuxuu sheegay in dalka “Brazil ay soo mareen weeraryahanno waawayn, laakiin haddii aad u fiirsato ay asal ahaan kasoo wada jeedaan Afrika, isagoo xuay inuu tababarayaasha cusub ku dhiirrigeliyo inay mar walba kooxdooda ku daraan weeraryahan Afrikaan ah.”

“Tusaalaha saxda ah waa Manchester United wax badan ma aaminsana weeraryahanada Afrikaanka ah, la yaabna maaha inaan guulo badan halkaa ku gaarin, waayo weeraryahannada qaar waxay kuu keeni karaan horyaalka laakiin kuma siin karaan Champions League.” ayuu yiri.

Haddii la raaco warka Mourinho, guushii seddaxleeyda ee Man United ee 1999-kii waxaa kooxdaa weerar u ahaa laba nin oo asal Afrikaan ah, waana Dwight Yorke iyo Andy Cole.

Hadalsame Media