Hal mid oo uu sameeyo MW Xasan Sheekh oo ka il-duufisa arrin uu taageero wayn ku heli lahaa

0

(Hadalsame) 07 Nof 2022 – Muddo-xileedka 2-aad ee MW Xasan Sheekh ayaa waxa ay maalmo uga harsan yihiin inuu gaaro nus-sanadkiisii koowaad ama lix bilood.

Muddada uu xilka hayey wuxuu sameeyey isbedello uu kusoo dhisay Xukuumad cusub, waxaa sidoo kale haatan hor taalla fursad qaali ah kaddib markii ay shacabku ku kaceen kooxda Al Shabaab oo si toos ah u bilowday inay shacabka beegsato, halkii ay awal qiilal kale u heli jirtey dhibka shacabka oo mar kasta ahaa waxa ugu badan ee ay gaystaan.

DF Somalia ayaa haatan wada dadaallo aan heerkii la doonayey weli gaarsiisnayn oo ay ku caawinayaan ama uga qaybgelayaan dagaalka lagula jiro Shabaabka, sidoo kale, waxay wadda dadaallo lagu ceejinayo hilinnada ay maaliyaddu usoo marto iyadoo sheegtay inay xannibtey boqollaal koonto oo ay Shabaabku leeyihiin.

Ha yeeshee, waxaa jirta hal arrin oo la doonayey inuu sameeyo MW Xasan Sheekh oo meesha ka maqan kana dhigaysa dadaallada socda kuwo aan muhiimad wayn u lahayn isaga.

Dad badan ayaa qaba in ay ahayd in Madaxwaynuhu uu si ficil ah isna u muujiyo sida ay muhim u tahay howsha socota isagoo samayn lahaa meel uu kala socdo howlgallada socda (Situation Room), taasoo dhiirrigelin wayn u noqon lahayd shacabka iyo ciidamada intaba, isagana shacbiyad hor leh usoo jiidi lahayd.

Sidoo kale, maadaama waxa hubka qaatay ay beelo yihiin waa inaysan arrintu ka bixin xakamaha DF haddii kale oo beelaha loo daayo inay howshooda iska wataan waxaa hadhow iman karta inaysan dhalin natiijadii la doonayey xitaa haddii Shabaabka laga adkaadoo, waayo waa naqaan meesha ay ku dhammaato wax qabiil ku dhisan oo ay Soomaaliyi waddo.

Nasiib darro, taa biddaalkeeda wuxuu tan iyo maalintii la doortay iyadoo aan xitaa la dhaarin ku jiraa safar ka imow mid kale aad, weliba safarrada intooda badani muhim maaha oo waa laga fursan karaa, dalalka qaar 2 jeer ayuu tegey mana muujin micnaha taa ku jira.

Haatan wuxuu Sharma Al Sheekh u jiraa shir looga hadlayo cimilo afka uun laga sheego balse aan si caalamiyan ah wax looga qaban xitaa haddii la tegayana wasiir ku filan yahay, balse dalalku ay qorshayaal qaran ka leeyihiin, isagoo haddii uu cimilo wax ka qabanayo ay ku filan tahay in dalka kusoo rogo tillaabooyin lagu joojinayo dhirta la jarayo, dhuxusha la dhoofinayo iyo wixii bay’ada dilaya.

Sida darteed, MW Somalia wuxuu ka ilduufsan yahay waxyaabaha muhiimadda 1-aad leh oo haddii uu sameeyo uu taageerada ku helayo, sidoo kale waa inuu Xukuumadda dhisan oo ilaa haatan dansan siiyo fursad ay ku shaqeeyso, si loogu arko nin aan dowladdiiba ka dhigin sida shirkad uu hal qofi leeyahay isna uu shirarkan dibadeed ee badan uu uga nasto.

Xusuusnow, xukuumaddii ka horreeysey waxay wax qabanaysey intii uu MW Farmaajo howsha u gacan banneeyey RW hore ee Khayrre, balse wixii ka dambeeyey dowladnimo wax micne leh oo lagu qabtay waa yaraayeen oo xukuumaddii xigtey waa tii cub iyo cir ku aakhiratay.

Tifaftirka

Hadalsame Media