Sweden oo jooninaysa adeeg ay Soomaalidu si aad u isticmaasho (Dad badan oo durba ka hadlay)

0

(Stochkolm) 03 Okt 2022 – Dowladaa cusub iyo xisbiga SD oo dooneya in ay meesha ka saarto adeegga turjumaadda ee la siiyo dadka haysta dhalashada iyo deggenaanshaha dalka, sida ku cad heshiiskii Tidöavtalet.

Heshiiskan ayaa xadiddaya xuquuda shakhsigu u leeyahay inuu helo addeega turjumidda hadduu qofku haysto dhalasho dalka Sweden ama degenaasho rasmi ah. Dad badan oo Soomaali ah ayaa uga warramay idaacadda Sweden.

Siciido Xasan Sabriye oo ah qof muddo dheer xanuunsanayd kuna dhaqan degmada Örebro ayaa sheegtay inay dhibaato wayn kala kulmi doonto haddii la hakiyo adeegga tarjumaadda oo qofka siinya xaqa in loo qabto qof u af-naqa.

Xaliimo Qooreey oo iyana muddo dheer adeeggan tarjumaadda u adeegsan jirtey marka ay la kulmayso xirfadlayda caafimaadka ayaa sheegtay inay jiraan waxyaabo badan oo ay iyadu ”fahmi karin eray bixin ahaa.”

“Isticmaalka turjumidu waa sharci u degsan wadankaan oo sharci dejin ayaa lagu sameeyey, midkaasina oo u fasaxaya in qof kasta lagu lahadlo luqadda uu fahmayo”, sida uu sheegay Mustaf Ali Siyaad oo ah turjumaan degean degmadda Örebro, kaasoo xusay inay dhibaato wayni soo gaari karto bukaannada haddii la is dhaafsado warbixinno khalad loo fahmi karo maadaama aan qofkii loo tarjumaynin.

Dadka loo diidi doono in loo tarjumo ayaa ah dadka haysta dhalashada Sweden iyo kuwa haysta iqaamooyinka abadiga ah ee rasmiga ah, waxaana tarjumaadda laga goyn doonaa meelo badan sida isbitaallada, xarumada dowladda dhexe iyo dowladda hoose, booliiska, maxkamadaha iwm, sida uu qabo heshiiskii Tidöavtalet.

Hadalsame Media