Ruushka oo sheegay sida qura ee looga fursan karo inuu adeegsado hubka NUKLIYEERKA (Shuruuddu ma sahlana)

0

(Moscow) 03 Okt 2022 – Caqliga fududi waxaa uu tilmaamaya in kaliya guusha Ruushka ee Ukraine ay kahortegi karto dagaal caalami ah oo nukliyeer, sida ay la tahay Madaxwaynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, mar uu ka hadlayey baaqyada reer Galbeedka ee ah inaan Moscow loo oggolaan karin inay guulaysato.

“Raac caqligalka tooska ah ee fudud,” ayuu Medvedev uga dooday Telegram “Haddii Ruushku uusan guulaysan karin, markaa sida muuqata Ukraine waa inay guulaysataa. Ujeedada dagaalka Ukraine, sida uu magacaabay taliska Kiev, waa soo celinta dhammaan dhulalka laga qabsaday – taas oo ah, in laga soo gooyo Ruushka. ” ayuu yiri.

Tani, sida uu Medvedev sharraxay, waa mid u qalmi doonta halis ka dhan ah midnimada dhuleed ee Ruushka, sidaas darteedna waa “sabab toos ah oo lagu dabiqi karo Qodobka 19-aad” ee ay Dowladda Ruushku u cuskato adeegsiga hubka nukliyeerka.

“Marka ii sheeg, yaa markaa riixaya dagaalka nukliyeerka? Haddii aysan si toos ah u wadin daandaansi kicin kara dagaal caalami ah oo loo isticmaalo hubka atoomigga deeto waa maxay? Aan wax kasta ugu yeerno magacooda saxda ah fadlan,” ayuu Medvedev soo qoray isagoo ku dooday in Ruush oo guulaysta uun looga fursan karo dagaal loo adeegsado hubkan halista ah.

Warka Medvedev ayaa u dhacaya in Ukraine ay khasab ku tahay inay ka tanaasusho gobollada bari ee dalkeeda ee ay labada jeer Ruushku xaf-goosteen. Jasiirad u ekaha Crimea oo ay qaateen 2014-kii iyo Donbas oo ay goosteen sanadkan 2022-ka.

Medvedev hadda waa guddoomiye Xigeenka Golaha Ammaanka Qaranka Ruushka. Intaa ka hor, wuxuu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Ruushka (2012-2020) iyo Madaxwayne (2008-2012). Waxa uuna ahaa nin si toos ah uga hadlayey shabakadaha bulshada tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Hadalsame Media