Nin tooxsi la sheegay in lagu maamulay dadka dhaawaca ah ee dibedda loo qaadayo (Wiil xubinta taranka ka dhaawacan oo…)

0

(Muqdisho) 02 Nof 2022 – Waxaa maanta Turkiga loo qaaday qaar ka mid ah dadka daran ee bukaannada dhaawaca ah ee ku waxyeelloobey qaraxii arxan darrada ahaa ee Soobbe.

Xogaha qaar ayaa sheegaya inuu jiro nin tooxsi oo qaadis loo diyaariyey dad ay qaarkood cayntaan, halka laga tegey dad uu dhaawacoodu halis yahay.

Waxaan helnay sawirrada qaar ka mid ah dadka laga tegey maanta waxaana ku jira wiil yar oo uu xaalkiisu aad u liito, sida uu sheegay Khadar Ismaaciil oo ka tirsan guddiga gurmadka.

“Wiilkii yaraa ee maanta lagu guuldareystay in diyaarada caafimad la saaro xaaladiisa waa adag tahay. Waxaa dhaawac halis uga yaalaa xubinta taranka, gacana waa go’an tahay muruquna waa burburaQay,” ayuu yiri Khadar.

“Waxay dhakhaatiirta nala wadaageen in xaaladiisa dalka waxba looga Kaqaban karin. Hadaba waxaan Dowladda Federalka ku boorrinaynaa in wiilkaas sida ugu dhaqsiyaha badan dibada loogu qaado.” Ayuu raaciyey.

Warbixinta xaaladda caafimaad ee wiilka ayaa wuxuu isbitaalku la wadaagey Agaasimaha Hey’ada Maaraynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin, oo wiilka soo booqday.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo garaab ah oo laga tegey kuwaasoo mudan in dibedda loo qaado balse looga tegey si aan cadaalad ahayn kuwaasoo mudan in xaalkooda dib loo eego sida ninkan sawirka ka muuqda oo ubucda iyo meelo badan ka dhaawacan.

Hadalsame Media