Ninka loo qabtay dilkii Xil. Juwayriya oo maxkamad lasoo taagey lana yimid dood yaab leh

0

(Jigjiga) 03 Okt 2022 – Waxaa shalaytoole saacaddu markii ay ahayd 2:00 PM maxkamad lasoo taagey ninka loo haysto dilka gabadhii xildhibaanadda degaanka ahayd ee Juwayriya Subcis.

Maxkamaddan oo sidoo kale loo ogolaaday inay kasoo qaybgalaan dadka ehelka la ahaa Juwayriya Subcis, ayaa ninka u xiran toogashada gabadha laga dul aqriyey eedaha loo haysto oo ah inuu gaystey dil toogasho ah oo bareer ah iyo dhaawacyo kala duwan.

Intaa kaddib waxaa la dhegeystey doodda eedaysanaha, balse wuxuu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu kas u toogtey marxuumad Juwayriya, Allaha u naxariiste.

Wuxuu intaa raaciyey dood la yaab leh oo ku saabsan in markii uu gabadha diley kaddib aanu ogayn wixii uu sameeyey oo uu dawakhsanaa, iyadoo ay qarreennadii ku mudacayey ay Garsoorka ka codsadeen in ninkan tiirka la geeyo oo la toogto maadaama uu qiraal yahay, waxaana la dhowrayaa go’aanka maxkamadda.

Wixii dheeraad ah ee kasoo baxa geeddi-socodka dacwadda waan idinla wadaagi doonnaa, haddii Alle idmo.

Hadalsame Media