Arrin kusii xoogaysanaysa baraha bulshafa Soomaalida oo gaartey heer aan laga aamusi karin

0

(Hadalsame) 01 Nof 2022 – Waxaynu nahay ummad islaam ah, waxaynu leennahay dhaqan intiisa badani wanaagsantahay, inta xun marna qaadan mayno laakiin iyadoo sidaas ah.

Waayadii hore nolosha caadiga ah, in laga hadlo waxyaabo aan u fiicnayn diinta iyo dhaqanka waxay ahayd ceeb, in ka doodideeda, sheegsheegiddeeda la qaayibana ma dhici jirin.

Noloshan jidka iyo jiha la’aanta ah ee baraha bulshadu waxay furtay waddo taas ka geddisan, wax walba oo aan dhaqankeenna suuban ku habboonayn ama diinta Islaamkana khilaafsanaa, caadi ayay noqotay in lagaga hadlo halkan, waliba la qabatimo, lagu kaftamo, laga doodo, caadi laga dhigo, dadka xumaanta iyo dhaqan xumooyinka faafiya ay dad caadiya weliba caqli leh inoo yihiin.

Ma lihihala fogeeyo, hala caayo ama ha la takooro laakiin waa in lagula doodaa si cilmyaysan waxa ay ka hadlayaan lana waaniyo.

Waxaan maqli jirey, waxaa jirta falsafadla yiraahdo, ku celceli waxa aad faafinayso marka ugu dambaysa caadi ayay noqonaysaa bulshada dhexdeeda, dadka xumaanta faafiya waa ku tala galeen inay inaga dhaadhiciyaan waxay sheegayaan.

Haddaba, maxaa u diidey inta fiyow ee caqliga u saaxiibka ah in la bilaabo fikrado iyo wacyi gelin lagaga hortegayo duufaanaha xumaanta ah ee iman kara?

Qof walba inuu dhaqankiisa iyo diintiisa ilaashado isagay si gaara masuuliyadi uga saarantahay, hal farriin oo aad qorto ayaana kaga qayb geli kartaa.

W; D: Nasro Cabdirisaaq

Hadalsame Media