Ciidanka Maraykanka oo gantaal ridaha HIMARS u adeegsadey inay nacnac ku qaybiyaan (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Nof 2022 – Cutub madaafiic goobta ah oo ku sugan gobolka Oklahoma ee dalka Maraykanka ayaa lasoo baxay Nidaamka Gantaalka Rida (HIMARS) si ay u fuliyaan howlgal gaar ah oo ku saabsan Halloween-ka, sida ku cad muuqaal lagau faafiyey baraha bulshada.

Gantaal ridahan ayaa waxa howlgeliyey Guutada Madaafiicda Goobta ee Ciidanka Maraykanka ee 1-78 ee Fort Sill si ay ugu qaybiyaan nacnac iyada oo ay carruur u lebisan qaab cabsi leh ay u yaaceen meesha si ay u soo urursadaan nacnaca, sida muuqaalku uu muujinayo.

Saldhigga ciidamada Maraykanka ee lugta io u dhow Lawton, Oklahoma ayaa wuxuu martigeliyaa dhowr dugsi oo madaafiicda ah, halkaasoo xubnaha adeegga millaterigu ay ku tababaraan ciidanka dhanka isticmaalka qaybaha kala duwan.

Waxay xeradu ka kooban tahay ilaa 94,000 acre (380 kiiloomitir laba jibaaran) waxayna leedahay ciidan gaaraya 16,500, iyadoo 7,000 oo shaqaale rayid ah oo dheeraad ihi ay bixiyaan adeegyada saldhigga.

Hadalsame Media