”Saaxiibbada ayaa xaq u leh” – Ruushka oo shirkad shidaal oo uu leeyahay dal Muslim ah ku casuumey inay shidaal ka sahmiso cirifka qabow

0

(Hadalsame) 28 Okt 2022 – Shirkadda Tamarta Ruushka ee Rosneft, oo sahminaysa mashruuca shidaalka ee Vostok kaasoo ku kacaya balaayiin Doollar lagana baarayo cirif qaboobaha Arctic, ayaa ku casuuntey shirkado ka socda ”wadamada saaxiibada la ah” Ruushku inay kusoo biiraan mashruucan faa’iidada badan.

“Hirgelinta mashruucu wuxuu ku socdaa jadwalkii horay loo shaaciyey. Waxaan ku farxi doonnaa inaan aragno dhammaan saaxiibeenna, oo ay ku jiraan Socar [Shirkadda Saliida iyo Gaaska dalka Azerbaijan], oo ka mid ah ka qaybgalayaasha mashruucan,” ayuu yiri Maamulaha guud ee Rosneft, Igor Sechin oo ka hadlayey Madasha Dhaqaalaha ee Verona Eurasian ee Baku.

Sida laga soo xigtey Sechin, mashruuca Vostok Oil wuxuu suurtogal ka dhigi karaa in la daboolo baahida sii kordhaysa ee suuqyada Koonfur Bari Aasiya, Hindiya, iyo Shiinaha.

Waxa uu xusay in, markii ay qaateen go’aankan istiraatijiga ah ee “muhimka u ah Bariga,” uu Ruushku si nidaamsan u kordhinayo sahayda tamarta ee gobolka Aasiya-Baasifigga. Saliidda Ruushka uu u dhoofiyo Shiinaha iyo Hindiya ayaa kor u dhaaftay 80 milyan oo tan sanadkii 2021-kii, sida uu sheegay.

Shirkadda Rosneft ayaa waxaa hoos taga ilaa 52 aag oo shati leh oo ku yaal woqooyiga Gobolka Krasnoyarsk iyo Ismaamulka Yamalo-Nenets, halkaas oo ay ku yaallaan 13 ceel oo saliid iyo gaas ah.

Hadalsame Media