MW Xasan Sh. oo ku dhaqaaqay arrin ka daran mid uu muddo dheer ku dhaliilayey Farmaajo

0

(Hadalsame) 21 Okt 2022 – Waxaa ku dhowaad muddadii uu xilka hayey oo dhan aad loogu dhaliili jirey MW hore ee Somalia, Max’ed Farmaajo iyo Xukuumaddiisii, inay ku khaldanaayeen dhiibitaankii Qalbi Dhagax oo si kastaba markii horena la shaqaynayey nidaamka Itoobiya, waloow ay markii dambe is dagaaleen, markii dambena dib ugu biiray iyadoo ay marka dambe xitaa wehlinayso ONLF oo dhan oo haatan noqotay xisbi ka tirsan nidaamka Itoobiya.

Dadkii Farmaajo arrintaa aadka ugu dhaliilayey waxaa ugu cod dheeraa MW haatan xilka haya ee Xasan Sheekh iyo raggii kale ee la ologga ahaa, tiiyoo ay jirto in Xasan uu ahaa MW ugu horreeyey ee Soomaali ah ee booqda Jigjiga isagoo weliba halkaa ka sheegay hadallo ay ka mid ahaayeen in ”ONLF ay argagixiso tahay iyo in taariikh khaldan lagu dhigo dugsiyada Somalia.”

Waxay ahayd taraarax istaraatiji ah marka la isku daro hadalladaasi iyo tegitaanka Jigjiga laftiisa maadaama uu ka marqaati kacayo aqbalitaanka in gobolka Soomaali Galbeed uu si rasmi ah uga mid yahay Itoobiya. Xusuuso, arrintaasi weli ma aha go’aan rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Somalia.

Dadka qaar ayaa MW Xasan oo xilligaa muddo-xileedkiisii 1-aad ku jirey waxay ugu qiil sameeynayeen inuu sidaa u yeelay qancinta Tigreega oo berigaa qas aad u badan ku hayey DF Somalia, waloow uusan ahayn qiil cago badan ku taagan maadaama ay furan tahay in xilka laga tago intii khaladkaa oo kale lagu kici lahaa.

Yeelkeede, waxaa Alle qadaray in MW Xasan uu noqdo MW ugu horreeyey abid ee 2 muddo-xileed kusoo baxa xilka madaxtinnimo ee dalka Somalia. Dad badan ayaana filayey inuu wax badan bedeli doono maadaama uu waaya arag yahay.

Nasiib darro, Madaxa Xukuumaddiisa, RW Xamse Cabdi Barre, oo sida muuqata aan inta badan wax door ah oo ridan ku lahayn sida wax loo wado, ayaa loo diray dhanka Itoobiya xilli uu dhowaan uun kasoo noqday MW Xasan, waxaana uu isna noqday ninkii 2-aad ee madax dowladeed ah ee isagoo xil sidaa u sarreeya haya booqda Gobolka Soomaalida. Waa arrimood oo isku mid ah oo wada dhacaya xilli uu xilka hayo MW Xasan.

Arrintani waxay tusmaynaysaa in nidaamka haatan ka taliya Somalia uu ka tanaasuley sheegashadii Somalia ee dhulalka Soomaalida ee la hoos geeyey Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo midkood aftiba laga qaaday oo ay u codeeyeen inay Somalia ku biiraan waa NFD e, qaybna aan abid wax la waydiin.

Haddii ay ummaddu isku raacdo dhibba ma laha oo afti laga qaado Gobolka Soomaalida iyagoo xor ah, amaba afti laga qaado shacabka Somalia ee kaddib wixii ay u codeeyaan lagu xarriiqo Dastuurka Dalka Somalia, laakiin inta ka horreeysa waa khiyaano qaran in la qaado tillaabo hal dhinacleey ah oo lagu fasaxayo dhul iyo ummad dhan.

Su’aashu waxay tahay, haddii ay ragga hadda jooga khalad la ahayd in qof Soomaaliyeed la dhiibo, taasoo laguba raaci karo haddii aysan ka ahayn hoosh siyaasadeede ay ka tahay han ummadeed, maxaa hadda keenay inay ogolaadaan in ummad dhan lagu wareejiyo Itoobiya?

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media