Kenya oo kashiftay inta bilyan ee ay ka heshay Jaadka ay Somalia u dhoofiso tan iyo Luulyo (Codsi kale)

0

(Nairobi) 21 Okt 2022 – Dhoofinta Miiroowga ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya ayaa dalkaa u dhiiqay lacag dhan 4 bilyan oo shilinka dalkaa ah muddo saddex bilood ah tan iyo markii uu dib u bilowday iibka maandooriyahan ee dalka Geeska Afrika dhaca bishii Luulyo ee sanadkan, sida uu qorayo Business Daily.

Madaxa Miraa Pyrethrum iyo Dalagyada kale, Felix Mutwiri, ayaa sheegay in Kenya ilaa hadda ay Somalia u dhoofisey 1.4 milyan oo kiilogaram oo Miiroow ah kaddib markii labada dal ay xalliyeen khilaafkii hore.

Tillaabadan ayaa sare u qaadeysa lacagaha qalaad ee adag ee Dowladda Kenya iyadoo il ay ku noolaadaan u noqonaysa beeralayda oo dhibaato xooggani soo gaartey markii Muqdisho Jaadka laga mamnuucay sanadka 2019-kii, sida uu qoray wargaysku.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinney 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miiroow ah tan iyo markii aan dib u bilownay gelitaanka suuqa Soomaaliya bishii Luulyo, waxaana weli wadnaa wadahadallo lagu kordhinayo tirada Jaadka maalmaha soo socda,” ayuu yiri Mr Mutwiri.

Kiilooga Miroowgaa ee Soomaaliga ayaa hadda soo xareeynaya lacag dhan $23 Doollar (Sh2,760), taasoo ka dhigan adduun dhan ilaa 4 bilyan oo Shilin guud ahaan.

Dakhliga soo xarooday, ayaa si kastaba ha ahaatee, waxaa hoos u dhigay tirada Kenya loo ogolyahay in ay u dhoofiso Soomaaliya. Markii hore, Nairobi waxaa loo oggolaaday inay Somalia gayso 40 tan maalin kasta, laakiin hadda waxa kaliya oo ay halkaa u rari kartaa ugu badnaan 19 tan maalintii.

Mr Mutwiri waxa uu sheegay in ay arrintan ay kala hadlayaan guddiga isku dhafka ah ee shirkadaha – oo ay ku wada jiraan mas’uuliyiin ka kala socda Kenya iyo Soomaaliya si ay arrinta u turxaan bixiyaan oo meesha uga saaraan.

Hadalsame Media