RW cusub ee UK oo durba loogu codeeyey in la cayriyo (Ma malayn kartid qofka la doonayo inuu bedelo)

0

(London) 19 Okt 2022 – Raiisal Wasaarihii hore ee UK, Boris Johnson, ayaa hadda kusoo baxay inuu yahay qofka ugu horreeya xisbiga Conservative Party ee bedeli kara madaxa xukuumadda ee hadda, Liz Truss, sida ay muujisay ra’yi ururin cusub oo ay samaysay YouGov.

Sahankan oo la sameeyay Oktoobar 17-18, ayaa daaha ka qaaday in 32% dadkii jawaab celiyey ay jeclaan lahaayeen in Johnson uu kusoo laabto xilka Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo ay jireen fadeexado iyo is-casilaado is daba joog ah oo golaha wasiirrada oo soo dedejiyey inuu laftiisu baxo.

“Daskii u codeeyey in Truss ay xilka la wareegto waxay hadda si gaar ah u xiiseeynayaan soo laabashada Boris Johnson haddii ay iyadu baxdo: 44% waxay isaga ka dhigeen musharraxa ugu sarreeya liiskooda dadka Tuss bedeli kara,” sida ay cod-bixiyayaasha sahanku ay xuseen.

Rishi Sunak, oo ka soo shaqeeyey golaha wasiiradda Johnson oo uu Wasiirka Maaliyadda u ahaa, ayaa si wayn uga dambeeya madaxiisii ​​hore: kaliya 23% ka mid ah 530 oo qof oo taageera xisbiga Tory ayaa u codeeyey. Wasiirka Difaaca ee Ben Wallace ayaa 3-aad ku galay 10%.

Sahankan ayaa imaanaya xilli Truss ay u dagaallamayso badbaadadeeda siyaasadeed kaddib markii ay soo bandhigtay siyaasado dhaqaale oo muran badan dhaliyey.

Marka loo eego ra’yi ururinta, 55% jawaab bixiyaasha ka mid ah ayaa aaminsan inay tahay in ay si deg deg ah isu casisho.

Xataa kuwii u codeeyey intii lagu jirey doorashadii hoggaanka xisbiga Tory ee xagaaga, 39% hadda waxay rabaan inay arkaan iyada oo xilka laga tuuray.

Ra’yi ururin gaar ah oo YouGov qaafday intii u dhaxaysey Oktoobar 14-16 oo la daabacay Talaadadii ayaa iyana muujisay in Truss ay si dhakhso badan u luminayso shacbiyadda dadka Ingiriiska.

Hadalsame Media