Wargays wayn oo kashifay ciidamo todobaadkii hore si qarsoodi ah looga qaaday Muqdisho + Ujeedka & dalka maalgelinaya

0
Somali National Army soldiers march during the 57th Anniversary of the Somali National Army held at the Ministry of defence in Mogadishu on April 12, 2017. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

(Hadalsame) 19 Okt 2022Masar ayaa kumanaan askari uga qoranaysa Soomaaliya mashruuc ay maalgalisey Dowladda Imaaraatka Carabta xilli uu sii xumaanayo loollanka dhanka awoodda ah ee kala dhaxeeya Itoobiya dhanka Geeska Afrika.

Sida uu qorayo Busiweek, saraakiisha ciidamada iyo kuwa sirdoonka ee Masar iyo Imaaraadka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku soo qulqulayey magaalada Muqdisho, iyagoo ujeedkoodu ahaa inay qortaan kumannaan askar Soomaali ah, kuwaasoo loo gudbin doono dalka Masar si ay tababar ciidan ugu soo qaataan.

Dufcadda ugu horreeysa oo gaaraysa ilaa 1200 oo askari ayaa durba u safray Masar usbuucii hore, sida uu wargaysku qorayo. Halkan kasii aqri…

Saraakiisha Masar iyo Imaaraatka ayaa doonaya inay higsadaan yoolka qorista oo ah ilaa 8,000 oo askari toddobaadyo gudahood.

Sannadkii 2018-kii, Dowladda Soomaaliya ayaa kala dirtay askar ay Imaaraadku tababareen oo u qaabilsanaa horumarinta danahooda shisheeye, waxaana xilligaa la amray in la xiro saldhiggii Imaaraadka ee Muqdisho.

Dad badan oo falanqeeya arrimahan ayaa sheegay in tallaabadan la qaaday ay sabab u tahay loollan adag oo u dhexeeyey dalalka Khaliijka Carabta ee aan markaa lafteeda dan Soomaaliyeed la xeerinin.

Si kastaba, Somalia ayay danteedu ku jirtaa inay ka fogaato wixii khilaaf ah gaar ahaan waxa isku hayaan dalal shisheeye oo danahooda uun ka fikiraya.

Somalia ayaan sidoo kale lahaynba awood iyo kaabayaal ciidan oo howlo noocan ah ciidan ugu hurto xilli ay sugi la’adahay amnigeeda maxalliga ah.

Hadalsame Media