In dadka tahriibka ah la jirdilo oo misna la QAAWIYO oo bilaabatay (Halkee arrintan laga sheegay?)

0

(Hadalsame) 17 Okt 2022 – Dalka Giriigga ayaa Turkiga ku eedeeyey inay qaawiyeen qaxooti kaddibna ay Khasab ugu direen dalka Giriiga illaa 92 tahriibe oo ay weliba ka muuqdaan dhaawacyo jireed.

Yeelkeede, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa warkaasi ku tilmaamay mid een abuur, iyaga oo Giriigga ku eedeeyey inay tan ku qarinayaan inay iyagu si xun ula dhaqmaan muhaajiriinta.

Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxwaynaha Turkiga, Fahrettin Altun, ayaa sheegay in warka uu Wasiirka Socdaalka ee Giriigga ee Notis Mitarachi uu ku faafiyey bartiisa Twitter-ku uu yahay been aan waxba ka jirin, isagoo soo bandhigay muuqaalka qaxooti qaaqaawan.

Fahrettin Altun oo sheegay in Giriiggu uu arrintan uga gol leeyahay inuu ku magac dilo Turkiga ayaa taa biddaalkeeda Athens ugu baaqay inay hagaajiso sida ay ula dhaqanto qaxootiga tahriibka ah.

Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ismaaciil Catakli, ayaa isna dadka qaaqaawan dusha u saaray Giriigga laftiisa isagoo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in sawirkani uu muujinayo naxariis darrada Giriiga.

“Waqtigaaga ku bixi inaad u hoggaansanto xuquuqda aadanaha, ha ku bixin wax-is-daba-marin iyo daacad-darro!” ayuu soo jeediyey, isagoo ka jawaabatey hadalka Booliiska Giriiga oo Sabtidii sheegay in ciidamadoodu ay Jimcihii soo heleen dad qaxooti ah oo qaaqaawan, oo ay qaarkood weliba qabaan dhaawacyo loo gaystey.

Qaxootiga ayaa inta badan doonyo ugu kala goosha labadan dal ee deriska ah.

Hadalsame Media