Dowladda Ukraine oo lacag badan dul dhigtay madaxa nin Ruush ah (Maxay ku maageen?)

0

(Hadalsame) 17 Okt 2022 – Adeegga Sirdoonka Millateriga ee Ukraine (GUR) ayaa Axadii shalay ahayd ku dhawaaqay lacag dhan $100,000 oo Doollar oo abaal marin ah oo la siinayo soo qabashada ninka caanka ah ee blogger-ka ah ee Igor Strelkov oo u dhashay Ruushka, kaas oo muddo kooban hayey xilka Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Donetsk (DPR) oo ah maamul sharci darro ah oo uu Ruushku sameeyey sannadkii 2014-kii.

“Madaxa Sirdoonka ee Wasaaradda Difaaca Ukraine ayaa wuxuu dammaanad qaadayaa bixinta $ 100,000 si loogu soo gacan geliyo Igor Girkin (Strelkov) millatariga Ukraine,” ayay Hay’adda Sirdoonku ku sheegtay boggeeda Telegram-ka iyadoo ugu yeeraysa Strelkov “mid ka mid ah argagixisada ugu caansan Ruushka.”

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkan oo ay ku eedeeyeen falal argagixisannimo uu “go’aansaday inuu dib ugu biiro dagaalka” ka dhanka ah dowladda Ukraine, sida ay sheegeen.

Strelkov, 51-jir, oo magaciisa dhabta ihi uu yahay Igor Girkin, wuxuu ka dagaalamay Transnistria iyo Bosnia 1990-meeyadii isagoo mutadawac ah, wuxuuna markii dambe sidoo kale ka dagaallamay Chechnya isagoo ka shaqaynayey Adeegga Amniga Federaalka Ruushka (FSB), oo ah hay’adda sirdoonka gudaha ee Ruushka.

Waxa uu shaqadaa FSB ka tegey sanadkii 2013-kii waxaana uu hogaamiye u noqday koox dagaalyahanno ah oo si iskaa wax u qabso ah u taageeray DPR sanad kaddib 2014-kii.

Maamulkii maqaar saarka ahaa ee uu Ruushku ka dhisay Donbass ayuu sidoo kale ka noqday Wasiirka Gaashaandhigga kaddib markii qaybo ka tirsan gobolku ay sheegeen inay ka go’een Ukaine.

Hadalsame Media