Arrin ay mar qura wadaan 3-da nin ee dalka ugu sarreeya oo ay dad badani la yaabban yihiin

0

(Hadalsame) 15 Okt 2022 – Waxaa dalka ka taagan dagaal culus oo ay bilaabeen dadwayne ka dhiidhinaya tacaddiyo xad dhaaf ah oo ay kala kulmeen kooxda Al Shabaab oo beryihii dambe caddaysatay inay toos u bartilmaameedsadaan maxasta iyo dadka rayidka ah.

Ha yeeshee, waxaa sida muuqata aan sidii la rabey arrinta u wajahin madaxda sare ee DF Somalia oo aan keenin wax qorshe ah oo ay arrintan ku maaraynayso si howsha loo qabto.

Waxaa taa biddaalkeeda shaashadaha haysta ciidamo magacyo qabiil la siiyey oo ama la jahawareersan hoggaan xumida muuqata amaba aan doonayn inay wax muuqda qabtaan, waloow mar kasta loo baahan yahay in aan beelaha oo qura lagu daynin howsha.

Tan ugu darani maxay tahay? Madaxdii dalka ugu sarreeysey ayaa iskaga mashquulsan shirar iyo safarro dibadeed oo aan wax culays ah lahayn, kuwaasoo weliba lacago badan ka cuna khasnadda DF oo markiiba laga saarayo lacag ku dhow nus milyan Doollar, sina ugu muuqda mid lagu tartamayo.

Hadda u fiirso. MW Xasan oo Uganda oo uu hadda dhow tegey mar kale ugu laabay shir aan culays badan u lahayn dalka, ayaa markale la sheegayaa inuu si qarsoodi ah ku joogo dalka Imaaraadka Carbeed.

Guddoonkii Baarlamanku wuxuu ku meeraysanayaa dalal aan haatan saamayn toos ah ku lahayn siyaasadda Somalia ama wax badani dhexmarin iyaga iyo DF Somalia. Wuxuu Holland kula kulmay haweenay u doodda dadka isku jinsiga ah oo ay weliba ka tirsan tahay, isagoo kaddib u xaluushey Austria, wuxuuna intaa saxiixayaa heshiisyo uusan xitaa iskii u fahmi karin.

Guddoonkii Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi isaga iyo aqalkiisii lagu magacaabay midka sare oo ay dad badani qabaan inuu ka mid yahay hay’adaha la iska sameeyey ee aan micne dhaqaale iyo mid siyaasadeed toona samaynayn, si kastaba ha ahaatee, wax wacaal ah lagamaba hayo.

RW Xamse Barre wuxuu isna joogaa Itoobiya, safar aan weliba daruuri ahayn maadaama uu MW Xasan halkaa kasoo noqday mar aan fogayn, kaaga darane wuxuu la kulmayaa dad heer hoose ah oo ku taxalluqa siyaasadda gudaha ee Itoobiya.

Md Barre oo sidoo kale durba la dhaliilayo wax ku oolnimadiisa marka la eego xilka saaran iyo waxa uu ilaa haatan sameeyey, ayaa lagu wadaa inuu Jigjigo tago, isagoo noqonaya hoggaamiyihii 2-aad ee qaran ee sidaa sameeya kaddib MW Xasan Sheekh, waxayna taasi Itoobiya u leedahay ishaaro istaraatiji ah, maadaama Somalia aanay weli si rasmi ah uga tanaasulin gobolkaasi.

Gunaanadkii, haddii aan la helin hoggaan og islamarkaana ku baraarugsan qarada mas’uuliyadda saaran oo wax kasta caadi u arka (business as usual), waxay sheekadu ku dhamaan doontaa sanadaha hore oo la orordo iyo kuwa dambe oo lagu mashquulo muddo kororsi iyo kursi dab saaran kala jiidadkiisa.

Dad ku jira xayndaabka hoose ayaa ii sheegay in MW Xasan Sheekh oo ah mas’uulkii ugu horeeyey ee 2 jeer la doorto uu doonayo inuu ka tago ”dhaxal siyaasadeed”, hagaag, marka laga soo tago hadallo xabad garaac ah oo meelaha mararka qaar laga maqlo, weli ma jiraan wax u raad eg qof rastadaa ku jooga.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media