Ruushka oo dayuurado nukliyeer sida soo dhigay afaafka Yurub maalin kahor dhoollatuska NATO (Xadka Ukraine oo qaar lagu arkay)

0

(Moscow) 15 Okt 2022 – MW Vladimir Putin ayaa dayuuradaha bambooyinka nukliyeerka qaada soo dhigay afaafka hore ee Yurub maalmo uun kahor dhoollatuska wayn ee NATO ee laftiisu ku saabsan nukliyeerka.

Nidaamka Moscow ayaa waxay darabtay raxan ka kooban 11 diyaaradood oo noocyada nukliyeerka xambaara ah iyadoo gaysey meel jirta in ka badan 1,500 mayl dhinaca cirif-qaboobaha Arctic Circle.

Waxaa la geeyey garoonka diyaaradaha ee Olenya, oo u dhow xadka Finland iyo Norway, diyaaradahanina waxa ay awoodaan in ridaan gantaalaha riddooyinka dheer iyo kuwa gaaban.

Waxay ka kooban yihiin diyaaradood oo ah kuw sameeya duqaymaha istaraatijiga ah ee TU-160 ‘Blackjack’ iyo  xabbo oo ah TU-95 ‘Bear’ oo ku hubaysan bambooyinka hydrogen-ka ah oo sawirradooda lagu arkay dayax-gacmeedka.

Dhowaan bartamihii bishii Agoosto, sida lagu arkay sawirro kuwan la mid ah, ma jirin hal diyaarad oo kuwa wax duqeeya ah oo fadhiyey saldhiggan ku yaal Jasiirad-u-ekaha Kola.

Putin ayaa shalay ka digey ‘masiibo caalami ah’ haddii ciidamada NATO ay si toos ah isaga hor yimaadaan Ruushka, inkastoo uu laftiisu hadda sare u qaaday khatartaasi.

Toddobaadyada soo socda ayaa sidoo kale la arki doonaa tiro dhoollatus ah oo dhanka Nukliyeerka ah oo uu Ruushku samayn doono, kuwaas oo la saadaalinayo inay ku jiraan tijaabinta gantaalada ballistic-ga, isla xilli ay NATO tijaabin doonto sida ay ugu diyaarsan tahay ka jawaabista weerarrada noocan ah.

Ka guurista diyaarada Ruushka ee laga soo raray saldhig ku dhow goobaha dagaalka ee Ukraine ayaa waxaa arkay saraakiil ka tirsan sirdoonka Israel.

Dayuuradaha wax duqeeya ee nukliyeerka qaada ee Ruushka, ayaa sidoo kale laga soo sheegay meel u dhow xadka dalka Ukraine.

Hadalsame Media