Yaa xooggan Kenya & Uganda marka cududdooda ciidan la is barbardhigo? (Halka ay caalamka uga jiraan?)

0

(Hadalsame) 09 Okt 2022 – Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa Isniintii bartiisa Twitter-ka soo dhigay digniin ah in isaga iyo ciidankiisa ay labo todobaad uun ku qaadan doonto inay qabsadaan Nairobi, balse arrintaas oo laga yaabo inay “kaftan” xumaaday ahayd, laakiin waxa ay dib u soo celisay dooda ku saabsan labada dal kee xooggan millateri ahaan.

Global Firepower, oo qiimaysa awooda ciidan ee wadamada, ayay Kenya 81-aad ka gashay 142 oo lagu sameeyey qiimaynta sanadlaha ah, iyadoo 11 boos ka sarraysa Uganda oo ku jirta 92-aad bilowgii sanadkan.

Hay’addu waxay sheegtay in Uganda ay leedahay 47,000 oo askari oo rigli ah, oo ay ku jiraan 10,000 oo kayd ah, halka Kenya ay leedahay 24,000 oo aan haysan wax kayd ah.

Awoodda dhanka cirka Kenya ayaa ka wanaagsan tan Uganda, inkastoo Kampala ay dhowaan ka heshay Ruushka ugu yaraan saddex helikobtarrada weerarka ah ee Mil Mi-28 Havoc.

Kenya waxa ay leedahay dayuuradaha dagaalka ee guuxooda ka dheereeya (17), helikobtarro (87) iyo helikobtarrada weerarka ah (2) wadar ahaanna waa 151 diyaaradood, halka Uganda ay leedahay dayuuradaha dagaalka ee guuxooda ka dheereeya (10), helikobtarro (25) iyo helikobtarrada weerarka ah (5) wadar ahaanna waa 49 xabbo.

Shabakadda Global Firepower ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya ay haysato 959 baabuurta gaashaaman ah, halka Uganda ay haysato 1,056 baabuurtaasi ah. Tiradan, si kastaba ha ahaatee, kuma jiraan 118-ka baabuurta gaashaaman ee cusub ee ay Kenya ka iibsanayso Turkiga heshiis ku kacaya KSh9.87 bilyan, kuwaasoo la sugayo dhammaadka sanadkan.

Muddo dheer, Uganda waxa ay sheeganaysey lahaanshaha qaybo ka mid ah dhul Kenya ka tirsan oo dhan 580,367 kilomitir, murankaas oo soo jiitamayey tan iyo waagii Madaxwaynihii Idi Amin Dada, oo isku dayey inuu dib u qaabeeyo soohdinta labadan dal sannadkii 1976-kii, sheegtay Turkana, West Pokot, Trans Nzoia ilaa Naivasha.

Bishii Juun 2004, Kenya waxay sheegtay in Booliska Badda Uganda ay teendho ka dhisteen jasiiradda Migingo oo ay ka taageen calanka dalkaasi, taasoo soo celisey khilaaf sababay in askar ka tirsan Booliiska Kenya la geeyo jasiiradda, iyagoo koodhi waydiiyey kalluumaysatada Kenyan-ka ah, walow haatan halkaa lagu wada joogo heshiis ku dhisan is afgarad ay labada dal gaareen oo aan rasmi ahayn.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media