Xog dheeraad ah oo kasoo baxday nin weeraray iskuul ku yaalla Ruushka & Aragtida uu aaminsanaa + Sawirro

0

(Moscow) 26 Sebt 2022 – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay, kuwaas oo ay ku jiraan toddobo carruur ah, kaddib markii nin hubaysani uu rasaas ku furay iskuul ku yaalla magaalada Izhevsk, oo 960km (600 mayl) bari ka xigta caasimadda Moscow.

Guddiga Baarista ee Ruushka ayaa ninka hubaysan ku sheegay inuu yahay 34 jir lagu magacaabo Artyom Kazantsev, kaasoo ka qalin jabiyey isla iskuulka uu weeraray.

Waxa uu isku toogtey Iskuulka Nambar 88 ee Izhevsk, oo ku yaalla galbeedka Buuraha Ural ee gobolka Udmurt, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dadka dhaawaca ah, 22 ka mid ihi waa caruur, qaar ka mid ah dadka ayaa dhaawacmay xilli ay ka boodayeen daaqadaha iskuulka, si ay u cararaan.

Alexander Brechalov, Barasaabka gobolka Udmurt, ayaa sheegay in ninka hubaysani uu ahaa qof deggan isla Izhevsk islamarkaana ka diiwaangashan xarumaha cilmi nafsiga.

Ninka ayaa sidoo kale la sheegay inuu ahaa cunsuri rumaysnaa aragtida Naasiga maadaama uu sitey funaanad iyo maasgare ay ku xardhan tahay astaantoodu.

Hadalsame Media