Dhacdo murugo leh oo dhiigley ah ka dhacday Degmada Dayniile

0

(Muqdisho) 26 Sebt 2022 – Waxaa Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ka dhacday dhacdo dhiigleey ah oo naxdin leh.

Wiil dhallinyaro ah ayaa goor dhowayd  haweeney eedadiis ah oo aanihii la dhalatay ku diley Dayniile, sida uu sheegay Gacal Ayman.

ninka dhallinyarada ah ayaa islaanta eeedadiis ee la dhalatay aabihii ku diley Degmada Dayniile, gaar ahaan xaafadda loo yaqaan S Star oo ka tirsan waaxda Halgan.

Dadka degaanka ayaa Gacal u sheegay in wiilka wax diley ay isku dhacsanaayeen aabihii iyo eedadii oo uu muran ka dhex oognaa.

Waxaana wiilka wax diley uu u tegey eedadiis oo uu wacay kaddibna markii ay u timid ayuu toorreey ku boobay.

Haweeneyda la diley ayaa magaceeda lagu koobay Maryan, waxaana goobta ka baxsaday ninka dilka argagaxa leh u gaystey eedadii la dhalatay aabihii.

Hadalsame Media