Saxaafadda Hindiya oo wax ka qortay haweenay Soomaali ah oo ku adkaysatay go’aan markii dambe guulaystey

0

(Hydrebad) 21 Sebt 2022 – Haweeney 33 jir ah oo u dhalatay Soomaaliya ayaa lagu guuleystey in laga daweeyo cudurka Kansarka naasaha, waxayna weliba cunug ku umushay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Hyderabad.

Waxay lahayd uur 12 toddobaad ah markii laga helay kansar heerka-saddexda ah oo ah nooca naasaha waxaana lasoo jeediyey in ilmaha lagasoo rido. Dhakhaatiirtu se waxay sheegeen in ay go’aansatay in ay dhasho ilmaha, haddana hooyada iyo canugga labaduba way caafimaad qabaan, sida lagu qoray Indian Express.

Faadumo Maxamed Cumar oo u dhalatay Soomaaliya ayaa laga helay cudurka kansarka naasaha ee marxaladda saddexaad, kaas oo sida ay dhakhaatiirtu sheegeen uu ku fidi karey muddo yar gudahood. Dr Saadvik Raghuram, oo ah dhaqtar Oncologist oo ka tirsan Machadka Kansarka Medicover, oo daaweeyey gabadha, ayaa sheegay in kansarku uu ugu dambayntii horseedi kari lahaa dhimashada hooyada iyo ilmaha labadaba.

Dhakhaatiirta machadku se waxay markii dambe qaateen go’aan ah sidii loo wada badbaadin lahaa haweenayda iyo ilmaha uurka ku jira. Waxaa la siiyey daawaynta kiimoterabiga ee unugyada buka lagu gubo, si joogto ah ayaana loola socon jirey caafimaadka hooyada iyo uurjiifka. “Ugu dambayntii, waxay dhammaysay dhammaan dawooyinkii loo qoray waxayna umushay wiil caafimaad qaba,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay isbitaalka, taasoo lagu sheegay wax mucjiso oo kale ah.

Haweenaydan ayaa umushay labo todobaad kahor. Waxay mari doontaa daawaynta shucaaca laysarka laga bilaabo usbuuca soo socda. Dr Raghuram ayaa u sheegay indianexpress.com in intii ay uurka lahayd lagana helay marxaladda saddexaad ee kansarka, taasoo dhib wayn u keeni kartey uurjiifka.

“Iyada oo arrimahan maskaxda lagu hayo, waxa ay qaadatay daawayn kiimiko ah oo saddex toddobaadle ah (hal mar saddexdii toddobaadba) halkii ay u qaadan lahayd laba toddobaadle ah. Usbuucii 36aad, koorsada kiimoterabigu way dhammaatay laakiin ilmuhu diyaar uma ahayn dhalmadii. Waxaan ku khasbanaanay in aan mudadaas aan siino dawo kale oo kiimiko ah si kansarka loo xakameeyo. Waxayna umushay todobaadkii 38-aad waxayna ahayd dhalmo caadi ah,” ayuu yiri dhakhtarku.

Waxa uu sheegay in 30% ay halis ugu jirto soo noqoshada kansarka inkasta oo aanay filaynin wax saamayn xun ah oo daawaynta la xiriirta, sidoo kalena looma ogola inay ilmaha yar nuujiso, balse way haysan kartaa oo wuu la joogi karaa xitaa marka ay qaadanayso kiimoterabiga.

Hadalsame Media