”Waxay saamayn ku yeesheen go’aanka Maraykanka” – Dowladda Kenya oo ka masayrtay arrin ay sameeyeen Soomaalida Maraykanka (Daawo)

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2022 – Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibedda Kenya Danjire Macharia Kamau ayaa amaan kala dul dhacay Jaaliyadda Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka.

Amb. Kamau ayaa dadka Kenyan-ka ah kula dardaarmay inay ku daydaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka oo uu ku tilmaamay ”mid awood badan” oo saamayn ku yeelata Aqalka Koongarayska Maraykanka oo ah hay’adda ugu sarreeysa DF Maraykanka marka laga soo tago Maxakadda Sare.

Wuxuu sheegay in saamayntaa ay ku leeyihiin siyaasadda dalka Maraykanku ay sare u qaadday milgadaha iyo qiimaha Somalia iyo dadka Soomaaliyeed.

”Ma jirto sabab aynaan ugu dayan karin Jaaliyadda cajiibka ah ee Soomaalida ee aadka u awoodda badan.” ayuu soo jeediyey Md Kamau oo sheegay in Jaaliyadda Soomaalidu ay ka mid yihiin kuwa ugu firfircoon Afrikaanka jooga Maraykanka.

Hadalsame Media