MW hore ee Maraykanka oo sheegay dal wayn oo Yurub ah oo mar dhow isku dhex yaaci doona

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2022 – Dalka Jarmanka ayay mar aan dheerayn ku adkaan doontaa inuu usii jiro waddan ahaan xilli ay jirto xasaradda tamarta ee sii kordhaysa, sida uu ku doodayo Madaxwaynihii hore ee Maraykanka ee Donald Trump ayaa soo jeediyey.

Intii lagu guda jirey isu soo bax ka dhacay Youngstown, Ohio Sabtidii, Trump wuxuu ka jeexjeexay ninka ka dhaxlay Aqalka Cad, isaga oo bartilmaameedsanaya siyaasadda tamarta ee Biden iyo waxa loogu yeero Higsiga Cusub ee Cagaaran (Green New Deal).

Ninkan ugu qaylada badan Jamhuuriga ayaa sheegtay in, in kasta oo intii uu xukumayey dalkiisa Maraykanku uu noqday mid madax-bannaani ka gaarey xagga tamarta iyo wadadii uu ku noqon lahaa “gebi ahaanba awood tamareed oo ka wayn marka la isku daro Sacuudi Carabiya iyo Ruushka,” uu misna Joe Biden hoos u dhigay Maraykanka ilaa uu gaarsiiyo “inuu dawarsado tamarta.”

Trump ayaa markaa sii waday inuu u bayro dhanka Jarmanka. Sida laga soo xigtey madaxwaynihii hore, waxa uu sheegay inuu uga digey Chancellor-kii hore ee dalkaasi ee Angela Merkel in dhuumaha Nord Stream 2, ee gaaska Ruushka geeya Jarmanku, ay Berlin ka dhigi doonto mid aad ugu tiirsan tamarta Ruushka.

Trump wuxuu sheegay inuu u diray “calanka cad ee is-dhiibida” Angela Merkel markii ay diiday inay ka baxdo mashruuca.

“Haddii aad 72% tamartaada ka heleyso Ruushka, waa kan calanka cade qabso, sababtoo ah si deg deg ah ayaad isu dhiibi doontaa,” ayuu MW hore ee Maraykanku u sheegay digniintiisa gaarka ah ee Merkel, sida uu hadda sheegay.

Waxa uu sii waday in uu tixraaco wax uu ku sheegay “waxyaabihii xumaa” ee ka dhex dhacay Berlin iyo Moscow waayadii hore sida dagaalladii dhexmaray, si ay caddayn ugu noqoto in Jarmanku aanu si wayn ugu tiirsanaanin Ruushka.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey in “Jarmanku uu hadda dib ugu laabanayo waayihii hore ee dhuxusha”, inkastoo uu horay u ballanqaaday in uu adeegsan doono tiknolojiyadda cagaaran.

“Laakiin ma laha ​​wax ikhtiyaar ah, waayo maba jiri doono waddan u horay.”  Ayuu yiri Trump ayaa si sogordahan ugu digey dalkaasi, kahor inta uusan mar kale ku laaban mowduucii siyaasadda gudaha dalkiisa.

Hadalsame Media