”Deg deg ayaan u bilaabaynaa” – Ruushka oo qaaday tillaabo bahdil ah oo ku fooggan weerarrada rogaal celiska ah ee Ukraine

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2022 – Ruushka ayaa durba bilaabay inuu qaado tillaabo uu ku bahdilayo islamarkaana uu uga aargoosanayo dalka Ukraine oo todobaadyadii dambe weerarro rogaal celis ah ku qaaday Ciidamada Ruushka.

“Afti” la sheegay inay ku saabsan tahay ku biirista Ruushka ayaa waxaa bilaabay Maamulka uu Ruushku u sameeyey wax uu ugu magac daray Jamhuuriyadda Dadka Lugansk (LPR) oo ah gobolka ku yaalla bariga dalkaasi ee Donbas, sida haatan la sheegay.

Guddiga Fulinta ee Maamulka ayaa Isniintan u jeediyey hoggaamiyaha LPR Md Leonid Pasechnik, iyo sidoo kale sharci-dejinta maamulkan oo uu Ruushku jamhuuriyad ku sheego, iyaga oo ku boorriyey inay dardargeliyaan howsha ku biirista Ruushka  sida ugu dhaqsaha badanna u qabtaan codbixinta.

“Dadka deggan Donbass waxay doorteen inay dib ugu noqdaan aftidii aaya ka tashiga ahayd ee 2014-kii ka dhacday Jamhuuriyadda Dadka Lugansk, sannadahan oo dhan waxaan sugeyney oo aan aaminsan nahay in aftida labaad ay hubaal noqon doonto, taas oo xaqiijin doonta riyadeenna ah inaan dib ugu laabanno waddankeena.” ayay tiri Ku xigeenka Madaxa Guddiga, Lina Vokalova.

Qabashada codbixintan ayaa hadda muhiim u ah jamhuuriyadda, sida “dhacdooyinka maalmihii la soo dhaafay ay muujinayeen in wadanniyiinta Kiev ay ka gudbeen dhammaan khadadka cas” ayay ku nuuxnuuxsatay.

“Naasiyiintu waxay si naxariis la’aan ah u duqeeyeen oo ay sameeyaan falal argagixisannimo ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Jamhuuriyadda Dadka Lugansk, iyagoo doonaya inay na cabsi geliyaan, oo ay naga dhigaan kuwa ka tanaasula riyadooda iyo hadafkooda ugu dambeeya ee ah inaan ku biirno Federaalka Ruushka.” ayayy Vokalova ku dartay.

Hadalsame Media