Ruushka oo bilaabaya qorshe uu dhuumo gaas ah ku gaynayo 2 dal oo aan Yurub ahayn

0

(Moscow) 16 Sebt 2022 – Shirkadda Tamarta Ruushka ee Gazprom waxa ay soo gabagabaynaysaa tafaasiisha dhismaha mashruuc dhuumaha gaaska lagu hirgelinayo oo la yiraahdo Soyuz Vostok kaasoo ay shuraako ku yihiin Shiinaha iyo Mongolia, sida uu Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu Khamiistii ka sheegay shirwaynaha Ururka Iskaashiga ee Shanghai.

MW Ruushku waxa uu halkaas wadahadal kula yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha ee Xi Jinping iyo Madaxwaynaha Mongolia ee Ukhnaagiin Khurelsukh oo ay isla jeexjeexeen abuurista duni dhinacyo badan oo aanay reer Galbeedku mixwar ama madax dhexaad u ahayn.

Sida laga soo xigtey Madaxwaynaha Ruushka, Moscow waxay sidoo kale diyaar u tahay inay sii dhisto iskaashiga adag ee ay la leedahay Beijing iyo Ulaanbaatar gaar ahaan dhanka qaybta tamarta, oo ay ku jirto suurtagalnimada kordhinta saadka korontada ee isaga gudba xuduudaha dalalkan.

“Sanadkan, waxaan saadaalinaynaa koror 20% ee tamarta laga soo diro Ruushka ee wadamadan timaada, saaxiibada qaaliga ahow, waxaana la gaarsiinayaa ilaa 5.2 bilyan oo kilowatt,” ayuu madaxdan ku yiri Putin.

Dhuumaha Soyuz Vostok waxaa loogu talagalay inay Shiinaha u qaadaan gaaska dabiiciga ah iyada oo lasii marinayo Mongolia, dhuumaha Soyuz Vostok waa qayb ka mid ah mashruuca Power of Siberia 2.

Waxay awood u yeelan doonaan inay Shiinaha u daabulaan ilaa 50 bilyan oo mitir oo 3-jibbaran oo gaas ah sannadkii, sida laga soo xigtey Wakaaladda Gazprom.

Ruushka ayaa doonaya inuu gaaskiisa iib u helo isagoo doonaya inuu ka maarmo reer Galbeedka oo saaray in ka badan 6,000 oo cunaqabatayn, wuxuuna durba aad u kordhiyey shidaalka qeeriin ee uu u diro dalalka Shiinaha, Hindiya iwm.

Hadalsame Media