Turkiga iyo Suuriya oo isu sii dhowaanaya (Dalka isku qalqaalinaya & danta uu midkoodba leeyahay?)

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2022 – Laba war oo shalay iyo saaka ka soo yeedhay dalalka Suuriya iyo Turkiga waxay hordhac u yihiin isbeddelo waa weyn oo deegaankaa ku soo socda.

Warka shalay soo yeedhay ee ay qortay wakaalada wararka ee Reuters wuxuu sheegay in labada nin ee kala hoggaamiya sirdoonada Turkiga Hakan Fidan iyo Suuriya Ali Mamlouk dhawaan ku kulmeen Dimishiq, waxayna isu gudbiyeen dalba kan kale wuxuu ka rabo.

Warka saaka ay saxaafadda Turkigu qoraysaa wuxuu leeyahay Ardegona oo sheegay shir ka dhacayey Samarqand Awsbakistaan hadduu joogi lahaa Bashaar Al-Asad in uu la kulmi lahaa.

Su‘aashu waxay tahay Maxaa hadda keenay in Turkiga iyo Suuriya is shukaamiyaan, sidiiyoo midba kan kale u baahan yahay?

Maxaase beddelay aragtidii Turkiga ee xagjirka ku ahayd Bashaar Al-Asad?

Dagaalka ka dhex socda Ukraine iyo Ruushka wuxuu soo wadaa isbeddel weyn oo sababi kara in uu qarxo dagaalkii sadexaad ee adduunka. Maalmahana Ruushka guul darooyin badan ayaa ka soo gaadhay, dalalka Ruushka iyo Turkiguba waxay dareemeen in khatar weyn kaga soo socoto dhinaca Yurubta Galbeed. Maalmihii ugu danbeeyeyna Turkiga iyo Greece si toosa ayey isugu hanjabeen.

Ruushku culayska ka saaran dhinaca Suuriya iyo ciidamada uu halkaa geeyey wuxuu doonay in uu dhinaca Ukraine u soo wareejiyo, Turkiguna in uu jabhada Suuriya soo afjaro ayuu doonay si uu loolankan culus ee Yurub ka soo socda ugu gacan bannaanaado, xidhiidhkan cusub ee Turkiga iyo Suuriyana waxaa dabada ka riixaya Ruushka oo aan doonayn in Iiraan ku kaliyeysato Suuriya, Turkiguna wuxuu diidan yahay in Iiraan looga tago Suuriya.

Sida wararku sheegayaan Suuriya waxay hordhigtay Turkiga qodobo ay ka mid yihiin in gobolka Edlib gacantooda lagu soo celiyo, xuduudda dalkoodana laga caawiyo siday gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Turkiguna wuxuu hordhigay Suuriya dhawr qodob oo ay ka mid yihiin in Suuriya kala shaqayso Turkiga sidii meesha looga saari lahaa ururada Kurdiyiinta ah ee ka soo horjeeda Turkiga, shacabka reer Suuriya ee xuduudaha ku dhibaataysana nabad lagu celiyo.

Sida muuqata dhowaan labada dhinac waxay xidhiidhkooda ku soo celinayaan siduu ahaan jirey dagaalkii iyo kacdoonkii Suuriya ka qarxay 2011 kahor, weliba shirkadaha Turkigu waxay aad u xiisaynayaan in ay qayb Libaax ka qaataan dib u dhiska Suuriya.

W; D: Asad Cadaani Ibraahim

Hadalsame Media