MW ka qaybgelayey caleemo-saarkii Ruto oo Kenya la yimid gaari uu u adeegsado arrin ummadda ka yaabisay + Sawirro

0

(Nairobi) 15 Sebt 2022 – MW Uganda ee Yoweri Kaguta Museveni, oo ka mid ah kali-taliska ugu waqtiga dheer Afrika ayaa muujiyey inuu qoonsigu (paranoia) gaarsiiyey inuu saxaradiisa ilaalo ka hayo.

An image of the top-of-the-range mobile toilet parked in Narobi is trending on social media, generating exciting debate wbout why some Presidents – especially the strongmen – have to be cautious about who can snoop on their poop.

Waxaa baraha bulshada ka socota dood xiise badan oo ka dhalatay gaari qaali ah oo aanay rasaastu karin oo ku baakiman madashii dhaarinta MW Kenya ee William Ruto.

Si la mid ah kaligii-taliye kasta oo kale, Museveni oo 77-jir ah aad ayuu uga shakisan wax walba heer marka uu dibedda aadayo uu  sii wato wax lagu sheegay ‘musqushiisa gaashaaman” ee gaarka ah isagoo markan la tegey ilaa Kenya halkaas oo uu kaga qaybgelayey taaj-saarka saaxiibkiis, William Ruto.

Musqushan qaaliga ah oo uu sido baabuur Mercedes-Benz ah, ayaa xitaa iridda laga soo gelayaa waxay leedahay ROOG CAS. Hana illaawin waxa sidaa loo maamuusayaa waa xumaydii Madaxwaynaha.

“Qiimaha guud ee ku kacaya suuligan gaashaaman ee gaarka ah iyo dhammaan muuqaalladiisa ammaanku waxa uu goyn karaa ilaa 30 ambalaas oo qalabaysan oo loogu adeego magaalada Kampala, caasimadda Uganda,” ayuu faallo ku dhiibtey qof aqoonyahan ah oo arrintan ka fal-celiyey.

“Haddii aan idin siiyo macnaha guud tani waa jahawareerka uu qoonsigu hurinayo ee kaligood-taliyeyaasha Afrikaanka ah.” ayuu raaciyey.

MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa isna la sheegay inuu saxaradiisa boorso gaar ah ku kiisho laakiin ugu yaraan isagu malaha “musqul gaashaaman.:

Hadalsame Media