Wuxuu yimid xaaskiisii oo dukanaysa kaddibna damac ayaa ka galay (Salaaddii kaddib dood kulul ayaa furantay)

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2022 – Maxaan ka baran karnaa sababta ay usoo degtey Suuratul  Mujaadalah (Qad Samic) oo ah Suuradda 58-aad ee Qur’aanka Kariimka bilowga Juska 28-aad.

Wadaad saxaabi ah oo aad u qiimo badan oo la dhihi jirey AWS IBNU SAAMIT ayaa wuxuu la dhashay CIBAADATU IBNU SAAMIT oo ahaa raggii waawaynaa ee xukunka ka qaybgalay xoogaa markuu xanaaqo ayaa lagu darmi jirey.

Wuxuu qabey wadaadad saxaabiyad ah oo la oran jirey, QOWLA BINTU THACLABA, isagoo safar ka yimid ayuu usoo galay wadaaddii oo dukanaysa markuu arkay ayay xooga damac gelisey oo waxaa galay damacii rageed oo intii ay salaada dukaneysey ayuu sugi kari waayey markii ay salaama noqsatey salaaddii ayuu dalbey oo kaalay ayuu yiri iyadana markaa niyadeedu way laalan tahay oo cibaado ALLE ayay ku jirtey howshiina waa ku gacan sayrtay.

Wadaadkii markii damiciisii ay ku gacan sayrtay wadaadiisii waa lagu darmey oo aad ayuu u xanaaqey wuxuuna dhahay, (waxaad iga tahay hooyadey oo kale) waxaa loo isticmaali jirey erayadaas furriinka xilligaas oo waa cibaaro jaahili ah oo Islaamka ka horreeysey waana foolxumo in hooyo lala mid dhigo hooyo adiga ku dhashay, waxyi kuma soo degin NABIGA (SCW) markaas.

Saxaabiyaddii waa kululaatay markii warkaas uu ku yiri ninkeedii, way baxdoo waxay u tagtay NABIGA (SCW) ayadoo caraysan waxayna tiri: “RASUUL ALLOOW maanta wuxuu igu sameeyey AWS IBNU SAAMIT, wax i qabta maaha oo wuxuu isoo guursadey anigoo gabar ah oo bog dheer leh jirkayguna siman yahay, hada oo aan habar noqday oo jirkaygii dabcay oo aan ilmo badan dhalay ayuu igu iyiri: “hooyadeey ayaad iga tahay.”

NABIGU (NNKH) wuxuu yiri waxba la iguma soo dejinin way la doodey RASUULKA waxayna kusii andacootey in ilma yaryar joogaan haddii aan uga tago ma haysan karo oo waa waayeel xanaanadoodana ma awoodo, hadii aan aniga qaaatana masruufkii iyo waxay cuni lahaayeen ma hayo.

Dooddii waa dheeraatay waxyina sooma degin weli, islaantii waa jeesatey oo xagga ALLE ayay gacmaha u taagtey oo tiri: “YAA ALLAAH arrintaan wax ka qabo iyadoo wadadii weli baryada ALLE ku jirta ayuu waxyigii soo degey.

CAA,ISHA (RC) oo NABIGA timaha u hagaajinayso una shanlaynaysa ayaa ogaatey in waxyigii soo degey saxaabiyadii xageeda aysy u jeesatey oo tiri: “NABIGA (SCW) waxyigii ayaa haya ee wax yar ukaadi xukunkii waa la xalilay oo warkaadii Ilaahey ayuu gaarey.”

“Maqalka Ilaahey waasacnimo badanaa” ayay tiri, UMMUNA CAA,ISHA (RC). Aayadihii ayaana soo degey oo arrintii xal ayaa Alle u keenay.

Waxaa la xukumay in qofkii ku hadla warkaasi ah “hooyadeey ayaad iga tahay” xukunkiisu uu noqonayo inuu yahay qof gefey oo wax aan banaanayn ayuu sameeyey.

Haddii uu sameeyana waa inuu qof addoon ah xoreeyo. Haddii uu waayo, wuxuu soomayaa 60 maalmood.

Haddii uu soomi kari waayo oo xanuun ama waayeelnimo ka reebto oo kari waayo wuxuu quudinayaa lixdan miskiin.

W; Q: Xamdi Caweeye

Hadalsame Media