XOG HOOSE: Ruushka oo ka war helay qorshe ay Galbeedku si hoose ula wadaan Ukraine oo haatan kubaaraynaysa ciidankooda

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2022 – Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa ku jira wadahadallo ku saabsan in mustaqbalka Ukraine loo diro hub casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Gaashaandhigga Maraykanka, sida uu qoray wargeyska Financial Times.

Qaar ka mid ah xulafada reer Galbeedka ee Kiev ayaa waxaa dhiirrigeliyey weerarradii guusha lahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday Ruushka ee Gobolka Kharkov, sida uu sheegay wargayska Ingiriiska kasoo baxa Talaadadii.

Waxay hadda ka wada hadlayaan “baahida muddada dheer ee Ukraine,” sida laga soo xigtey isha qarsoodiga ah ee Maraykanka ah oo aan is magacaabin, iyadoo warkan ay soo xigatey warbaahinta Ruushku.

Qaar ka mid ihi waxay aaminsan yihiin inay ku habboon tahay in Ukraine loo diro diyaaradaha dagaalka “muddada dhexe iyo midda fogba,” sida ay tiri isha lasoo xigtey ee uu wargaysku warka kasoo qaatay.

Wadamada reer Galbeedka ayaa horay u diiday in ay diyaarado dagaal siiyaan Ukraine, iyaga oo ku sababeeyey waqtiga ay qaadanayso in la tababaro duuliyeyaasha Ukraine, arrimaha la xiriira adeegsiga nidaamka hubka casriga ah ee dhulka, iyo khatarta ah in ay sii huriso colaada kala dhaxaysa Ruushka.

Si kastaba se, arrintan ayaa tijaabin doonta samirka Ruushka oo in badan ka cowdey xeesha Galbeedka ee ku dhisan inay Ruushka ku feeraan gacmaha Ukraine.

Hadalsame Media