Madaxwayne dal oo qaaday tillaabo uu ka qalin daartay MW Somalia ee Xasan Sheekh

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Kenya ee shalay la dhaariyey ee William Ruto ayaa xil cusub u magacaabay madaxwaynihii ka horreeyey ee Ahuru Kenyatta, isagoo ka dhigay Ergayga Nabadda ee Gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Harooyinka Waawayn. 

Ruto ayaa khudbaddii uu caleemo-saarkiisii shalay ka jeediyey ku sheegay inuu Uhuru waydiistey inuu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka isna uu codsigaa ka guddoomey.

Xilkan ayaa imanaya xilli ay raggani abeeso kala goosteen sanadihii dambe iyadoo uu khilaafka ka dhexeeya uu keenay xafiiltan siyaasadeed oo meel gaarey, waloow uu inta badan xera taraarayey ninka xilka ka degaya haatan.

Waxaa kale oo xusid mudan in tillaabadan oo kale uu qaaday MW Somalia ee Xasan Sheekh oo rag badan oo ay ku jireen rag la hardamayey u magacaabay xilal ergo ah oo u badan qaab sharafeed, waloow ay ka gaabsadeen qaar ka mid ah raggaasi.

Hadalsame Media