Maraykanka oo qaaday tillaabo uu Ruushka ku qancinayo (Maxaa loo sameeyey Ruushka?)

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2022 – Wakaaladaha Wararka ee Ruushka ayaa goor dhow sheegay in Washington ay fiise siisay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov iyo diblomaasiyiin kale oo heer sare ah.

Go’aanka ayaa u oggolaanaya wakiillada Moscow inay booqdaan New York si ay uga qaybgalaan shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, inkastoo ay saaran tahay cunaqabataynta Maraykanku.

“Maanta, fiisooyin ayaa la siiyey Lavrov iyo tiro ka mid ah dadka raaci doona,” ayaa laga xigtey Wakaaladda Interfax oo la hadashay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Moscow ayaa marar badan ku dhaleecaysay Washington diidmada fiisaha ee diblomaasiyiinta Ruushka si ay uga qaybgalaan kalfadhiga 77-aad ee golaha guud ee QM.

“Waxaan filaynaa in fiisaha la siiyo wefdiga intiisa kale, arrimaha saadkana si deg deg ah loo xalliyo,” ayuu yiri Afhayeenku isagoo dhaleeceeyey wax uu ku sheegay “cunaqabateynta sharci darrada ah” ee saaran wakiillada Ruushka.

Maraykanka ayaa cunaqabatayn shakhsi ah ku soo rogey mas’uuliyiin sarsare oo Ruush ah, oo ay ku jiraan Madaxwayne Vladimir Putin iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Sergey Lavrov, kaddib markii uu billaabmay weerarka millateri ee Moscow ay ku qaaddat Ukraine bishii Febraayo.

Haddii ay arrintani dhacdo waa wefdigii ugu heer sarreeyey ee Ruush ah ee taga Maraykanka kaddib dagaalka Ukraine.

Hadalsame Media