Ma malayn kartid lacagta iyo adeegga la siin doono MW hore ee Kenya oo shalay xilka wareejiyey? (Aan mid mid u eegno)

0

(Nairobi) 14 Sebt 2022 – MW Ahuru Kenyatta ayaa xilka shalay ku wareejiyey William Ruto oo kusoo baxay doorashada Kenya.

Haddaba, MW Kenyatta ayaa inta cimrigiisa ka dhiman heli doona lacag mushahar ah, gunnooyin iyo adeegyo aan ka go’i doonin, taasoo laga jarayo canshuurta shacabka.

Waxaa ka mid ah beenshin ka badan hal milyan oo Shilin, mushahar bille ah oo 1.2 milyan oo Shilin ah kaasoo abadi ah.

Xaq sanadle ah oo 72 milyan oo Shilin ah, lacag ka badan 216,000 oo madadaalada looga bixinayo bishii. 4 gaari oo uu mid kasta uu darawal leeyahay.

Ilaalo iyo 6 nin oo ammaanka ah, kharashka caafimaadka oo laga daboolayo isaga iyo qoyskiisa iyo in kale oo badan, sida kariyeyaal, adeegtooyin iwm (Eeg hoos)

Hadalsame Media