Xisbiga SD oo hal dalab la yimid & xisbi ka tirsan midigta oo caqabad ku noqotay

0

(Stockholm) 12 Sebt 2022 – Xisbiyada garabka midig ayaa si sibiq ah u hoggaaminaya tirinta codadka sida lagu waabariistay subaxnimadii Isniintan.

Xisbiga Sverigedemokraterna ee soo galooti diidka ah ayaa u muuqda in uu noqon doono xisbiga ugu wayn baloogga midigta ah, waxaana xisbiga SD uu damacsan yahay in uu helo jagooyin wasiirro ah.

Yeelkeede, si hoggaamiyaha Moderaterna ee Kristersson uu ugu guulaysto inay dowlad wada dhistaan ​​SD looma baahna oo qura taageerada KD, balse waxaa kaloo loo baahan yahay taageerada Libaraalka.

“Xisbiga Liberaaliga ihi ma ogola inuu la shaqeeyo xisbiga Sverigedemokraterna oo uu dowlad la dhisto.” ayay tiri Karin Karlsbro (L).

Hadalsame Media