Ruushka oo tillaabo aargudasho ah ka qaaday Ukraine (kaabayaal muhim ah oo uu jaray)

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2022 – Gobollo badan oo ku yaal koonfurta bari ee Ukraine ayaa waxaa la soo deristey koronto yaraan iyo madoobaad dabayaaqadii Axaddii shalay.

Madaxwayne Vladimir Zelensky ayaa sheegay in sababtu ay tahay gantaalo ay Moscow ku weerartay “kaabeyaasha muhiimka ah.”

Koronto la’aan buuxda ayaa ku dhufatay gobollada Kharkov iyo Donetsk, sida uu Zelensky ku sheegay barta warbaahinta bulshada, isagoo sida muuqata tixraacaya qaybta ay weli maamusho Ukraine ee waxa ay Ruushku ku sheegaan Jamhuuriyadda Dadka Donetsk.

Magaalooyinka Sumy, Dnepropetrovsk, Poltava, Zaporozhye iyo Odessa ayaa waxaa ku dhacay koronto qayb ahaan, sida uu sheegay Madaxwynaha oo arrintan ku eedeeyey wax uu ku sheegay “argagixisada Ruushka.”

Ilaa hadda, Moscow way ka aamustay arrintan, mana xaqiijinayso mana beeninayso inay ku lug leedahay.

Dhacdadan ayaa waxaa ka horreeyey la sheegay in la soo riddey gantaalo badan oo nooca loo yaqaan Cruise-ka kuwaas oo laga soo ganay maraakiibta Ruushka ee ku sugan Badda Madow iyo Caspian-ka.

Muuqaallo lagu faafiyey khadka internet-ka ayaa muujinaysa cawaaqibka ka dhashay weerarrada la sheegay, iyadoo dab-damisku ay isku dayayaan inay damiyaan dabka wax u muuqda inay yihiin wershad koronto.

Ilaa hadda, adeegyada deg degga ah waxay ku guulaysteen inay keliya dib u soo celiyaan korontada gobollada Poltava, Sumy iyo Dnepropetrovsk, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee Ukraine.

Hadalsame Media