”Waxay ku jiraan duruuf adag” – Dal Khaliiji ah oo sheegay inuu Somalia deeq usoo dirayo

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2022 – Hay’adda Bisha Cas ee Kuwait (KRCS) ayaa Sabtigii shalay billowday olole deeq ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha, roobabka mahiigaanka ah iyo abaaraha ee Soomaaliya, Suudaan iyo Pakistan iyada oo la adeegsanaayo website-keeda iyo waaxaheeda xiriirka la leh ee ku yaala Avenues Mall.

Hadal uu siiyay Wakaaladda KUNA ayuu xoghayaha guud ee KRCS, Maha Al-Barjas, ku sheegay in ololahan loo bilaabay si looga jawaabo duruufo adag oo ay xiligan ku sugan yihiin dadka ku nool dalalkaasi, kuwaasoo aad ugu baahan sahayda aasaasiga ah oo ay ka mid yihiin dawooyin, hoy iyo biyo ay cabbaan.

Ololahan ayaa ujeedadiisu tahay sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaataysan, waana mid ka tarjumaysa nidaamka bini’aadminnimo ee Kuwait, heer qaran iyo heer caalamiba, iyadoo madaxda dalka Kuwait ay mar walba u heelan yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka tabaalaysan, iyagoo ku boorrinaya qof kasta inuu sida ugu dhaqsaha badan wax ugu deeqo.

Hadalsame Media