”Waa baando is qarinaysa!” – Ganacsatada Jaadka Kenya oo ka cabanaya dallaal laga qaado (Madax heshiis ku ah oo ay sheegeen)

0

(Nairobi) 11 Sebt 2022 – Dhoofiyeyaasha Miroowga Kenya ayaa ka caraysan dallaal qaali ah oo ay siiyaan wax ay ku sheegeen ”Kaarteel ama baando aan weji lahayn” tan iyo markii uu dib u soo laabtay ganacsiga Jaadka ee la geeyo dalka Soomaaliya ee ay jaarka yihiin bishii Luulyo.

Ganacsatada ayaa ku andacoonaysa in markii ugu horreeysey lagu khasbay in ay aqbalaan dallaalkan si loo furo suuqii faa’iidada mar lahaa ee hakadka ku jirey tan iyo markii uu cudurka Covid-19 ku dilaacay bishii Maarso sanadkii 2020.

Dallaalkan oo lau qaado goobta gaadiidka xamuulka qaada. waa $4.5 Doollar (Sh540) halkii kiilo ee Miiroow ah ee loo dhoofiyo dalka Geeska Afrika dhaca ee Somalia, taasoo aad u qaaliyeysey sicirka Jaadka islamarkaana yaraysay faa’iidadiisa, sida uu sheegay Kimathi Munjuri, Guddoonka Jimciyadda Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita).

Wuxuu Kimathi sheegay in muddadii 3-da sano ahayd ee ay suuqa Somalia ka maqnaayeen ay Itoobiya soo gashay iyadoo heshiis wanaagsan la gashay DF Somalia, iyaguna ay ganacsiga sii wadi karin ilaa ay ka helayaan heshiis wanaagsan islamarkaana meesha laga saarayo dallaalkan.

Wuxuu sheegay in markii dhoofinta Miiroowga dib loo bilaabay 24-kii Luulyo, ganacsatadii dib u bilowday ganacsigu ay ahaayeen 16 balse ay haatan toddobo uun kusoo koobmeen, sababtuna waxay ahayd hoos u dhac ku yimid suuqii mar faa’iidada badnaa.

Sida laga soo xigtey Kimathi, dallaalkani waxa uu khatar wayn ku yahay suuqooda, iyadoo dadka u dhuun daloola arrimahan ay rumeysan yihiin in qaar ka mid ah madaxda Kenya ay la shaqeeyaan dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada faashleeyaan khidmaddan dallaalka ah oo ka madax bannaan kharashaadka iyo canshuuraha kale.

Waxaa horay qayladhaan usoo saaray ganacsatadii Jaadka Somalia oo laftoodu dareemay in siyaasiyiin sare iyo dad ku xirani ay qaab monopoly ah u xirteen suuqa, taasoo ah dhaqan aan horay u jiri jirin xitaa waayihii hoggaamiye-kooxeedyada.

Hadalsame Media