Boqoradda UK oo dhimatay iyada oo aan xallin arrin ay aad ugu ceebaysnayd

0

(London) 08 Sebt 2022 – Boqoradda UK ee Queen Elizabeth II, oo in ka badan 70 sano haysey Taajka Britain ayaa shalay ku geeriyootey qasri ku yaalla Gobolka Scotland.

Waxay jirtey 96 sano waxaana geerida xaqiijiyey Buckingham Palace. Waxay kursiga ku dangiigtey tan iyo 1952-kii waana 70 sano, waxaa mudadaa UK soo maray 15 Raysal Wasaare.

Ha yeeshee, Boqoradda Britain ee Queen Elizabeth II ayaa la sheegay inay haysatey dheemanka rafka ah ee abid la helo uguna ballaaran adduunka.

Dheemankan oo loogu yeero Cullinan Diamond oo ah magaca la siiyey kaddib markii laga bedeley magacii hore ee ‘The Great Star of Africa’ ayuu cufkiisu yahay 530 carat ama 621.35 oo garaam.

Dhagaxan qaaliga ah ayaa laga soo qoday dalka South Africa 1905-tii xilli uu gumaysi ugu jirey dalka Britain, waxaana qiimihiisa lagu qiyaasaa inuu ka badan yahay $400 oo milyan oo doollar, iyadoo ay xiise u muujiyeen dad fara badan, balse boqortooyada ayaa diiddey inay iibiso dhagaxan laga soo qaatay dalkaas Afrikaanka ah oo aan xilligaa wax cod ah ku lahayn khayraadka dalkooda.

Markii Boqortooyada UK la waydiiyey inay dhagaxan qaaliga ah u celiyaan dalkii lahaa waxay ku doodeen inay iyaga loo haddiyeeyey, balse dalkaasi xilligaa maba ahayn mid xor ah, sidaa darteed, waa hanti lagu soo qaatay si aan sharci ahayn.

Hadalsame Media