Kaddib dhimashadii Boqoradda UK, meelaha xiran, kuwa furan iyo howlaha la hakiyey ilaa haatan

0

(London) 08 Sebt 2022 – Boqoradda UK ee Queen Elizabeth II, oo in ka badan 70 sano haysey Taajka Britain ayaa shalay ku geeriyootey qasri ku yaalla Scotland, gaar ahaan Balmoral Castle oo ah qasriga ugu wayn Aberdeenshire, Scotland.

Waxay jirtey 96 sano waxaana geerida xaqiijiyey Buckingham Palace. Waxay kursiga ku dangiigtey tan iyo 1952-kii waana 70 sano, waxaa mudadaa UK soo maray 15 Raysal Wasaare.

Haddaba maxaa la hakiyey min dukaan, ciyaaraha ilaa danaha kale?

Ganacsiga – Dadka shaqaysanaya iyo dukaamada laguma waajibin doono inay howlohooda hakiyaan, balse Bangiyada waxaa dhici karta in la xiro. Meelaha biirka iyo khamriga lagu fuudo ayaan lagu khasbi doonin in la xiro, iyadoo uu qofku xor u yahay furis iyo xiris.

Ciyaaraha – Qorshaha aaska Boqoradda ee Operation London Bridge, waxaa qayb ka ah in la hakiyo dhammaanba dhacdooyinka ciyaaraha oo ay ku jiri karaan kuwa Horyaalka Ingiriiska ee EPL.

DugsiyadaIskuullada ayaa haatan furan, balse waxaa la sugayaa awaamiir kasoo bixi karta Waaxda Waxbarashada (DfE) oo amri karta in dugsiyada la xiro.

Madadaalada – Tiyaatarrada ayaa sii shaqayn doona balse waa inay shidaan nalal nuxuus ah, islamarkaana ay hirgeliyaan daqiiqad aamus ah.

TV-yada – Qof kasta oo maanta daawanaya TV-yada UK wuxuu dareemi doonaa isbedello waawayn min jadwalka barnaamijyada ilaa dharka ay xiran yihiin tebiyeyaashu.

Waxaa sidoo kale la hakiyey xaflado abaalmarinno lagu bixin lahaa sida Mercury Prize iyo shaqo joojin ay maanta oo Jimce ah samayn lahaayeen Royal Mail workers.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media