Shiinaha oo Somalia uga dooday Golaha Ammaanka & Arrin uu sheegay inuu heshiis kula galay DF Somalia

0

(New York) 08 Sebt 2022 – Shiinaha ayaa Arbacadii ugu baaqay beesha caalamka in ay sameeyaan dadaal aad u badan si looga hortago musiibo bini’aadminnimo oo ka dhacda Soomaaliya xilli ay ka jiraan abaaro joogto ah oo saameeynaya nolosha ku dhowaad ​​kala bar dadka.

“Beesha Caalamku waa in ay dardar gelisaa wax qabashada bini’aadminnimo, waa inay kordhisaa gargaarkeeda, waana in ay sameeyaan dadaallo badan oo looga hortagayo musiibo bini’aadminnnimo” ayuu yiri Dai Bing oo ah Xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Shiinaha u jooga Qaramada Midoobey oo la hadlayey Golaha Ammaanka ee Qaramada MidoobEy.

Dai ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad bini’aadminnimo oo aad u daran, islamarkaana ay ka jiraan khataro badan oo macluul iyo nafaqo darro ah, waxaana uu sheegay in Shiinuhu uu taageerayo gar gaar deg deg ah oo ay Qaramada Midoobey ka gaysato Geeska Afrika.

“Waxaan sidoo kale soo dhowaynaynaa hirgelinta hindise dalka Soomaaliya ee daymaha badan lagu leeyahay qaanta looga dhaafayo ee ay wadaan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, kaasoo ka caawinaya dalkaasi inuu ka baxo dhibaatooyinka uu ku jiro,” ayuu yiri.

“Waxaan dardargelin doonnaa hannaanka gargaarka, waxaana samayn doonnaa wax walba oo aan ku caawin karno Soomaaliya si ay wax uga qabato abaarta, waxaana si wadajir ah uga wada hadli doonnaa xal u helid waarta si looga hortago loona yareeyo musiibooyinka.” ayuu raaciyey, isagoo sheegay in Juun ay Somalia kula heshiiyeen inay keenaan gargaar deg deg oo cunto ah.

Hadalsame Media