“Somalia waa meel dhib badan” – Ruto oo ka hadlay qorshaha kaga aaddan la shaqaynta MW Somalia

0

(Nairobi) 07 Sebt 2022 – MW dooran balse aan weli la dhaarin ee Kenya, William Ruto, ayaa markii ugu horreeysey ka hadlay dalka Somalia iyo sida uu ula xaalayo.

“Soomaaliya waa meel dhib badan. Waxaan se horay ula soo shaqeeyey Madaxwaynaha cusub ee dalkaa loo doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Ruto oo la hadlay CNN.

“Waxaan rajayneynaa inaan la shaqayno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalinno caqabadaha ka jira Soomaaliya, oo aan u suurtagelinno in Soomaaliya ay daryeesho welwelkeeda amni.” Ayuu raaciyey MW William Ruto.

Si kastaba, maamulka haatan Somalia ka jira ayaa la sheegay inay wax la wadeen musharraxii laga adkaaday ee Raila Odinga, waloow ay waajib tahay inay hadda la xaalaan Ruto.

Hadalsame Media